Carwada Saacadadiin Oo Ciidda Darteed Samaysay Qiime Dhimis Layaab Leh

0
698

 

diin

Hargeysa (Geeska)-Carwada Sacaadadiin Supermarket sida ay shaacisay waxay macaamiisheeda u soo bandhigtay adeeg raali gelin doonaa maalmaha kooban e ka hadhay Ciida iyo farxada muslimiinta, waxaanu ugu bushaaraynayaa dhamaan umada reer Somaliland inuu Ciida awgeed kuu sameeyey qiima dhimisa aad ku qanci doonto.

Carwada Saacadadiin eek u taala buurta kala jeexan waxaa dhamaan lagu diyaariyey qaybaha kala duwan ee labiska, haddii ay noqon lahayd labiska raga, dumarka, caruurta iyo dhalinyarada. Waxaana carwadaas ku qulqulaya bulshada reer Hargeysa si ay uga soo gataan wixii ay u baahnaayeen.

Dadka sida aadka ah goobta qiima dhimista ee Sacaadadiin ku sugnaa waxaa ka mid ahaa masuuliyiin magac iyo maamuus ku leh bulshada dhexdeeda, dhalinyaro ka caana magaalada Hargeysa iyo hooyooyin caruurtooda la doorbiday sidii ay labis raali galiya uga raadin lahaayeen ubadkooda dukaanka Sacaadadiin qaybtiisa buurta kala jeexan.

Qiimaha macaamiisha laga dhimay iyo cid kasta oo ka mida dadka nasiibka u helay inay dukaanka alaab ka iibsadaan waxaa ka mida in lagaa daynaayo boqolkiiba todobaatan (70%), boqolkiiba shan iyo sodon (35%) iyo dabcan boqolkiiba kontan (50%).

Shicibka loo adeegaayey waxaa wajiyadooda ka muuqday mabuusad iyo niyad sami dhanka wax iibsiga ah. Maamulka kala horaya qaybta buurta kala jeexan ee Sacaadadiin waxay kuu balan qaadayaan inay kuu sameeyaan qiime ku raali galiya. Qiima dhimista ayaa socon doonta tan iyo inta laga gaadhaayo maalinka Ciida.