Golaha Deegaanka Hargeysa Oo Qabsaday Kalfadhigoodii 9aad

0
559

Picture1Hargeysa(Geeska)- Xildhibaanada Golaha Deegaanka Caasimadda Hargeysa, ayaa yeeshay kal-fadhigii 9aad ee golahooda, isla markaana kaga hadlay isku bedelka Guddi hoosaadyadda, mashaariicda kala duwan ee ka socda Caasimadda iyo safar Shan Xildhibaan ku tagi doonaan dalka Sweden si Tababar uga soo qaataan.

Maayarka Caasimadda ahna Gudoomiyaha Golaha Deegaanka Caasimadda Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelko), oo isagu shalay goob joog ka ahaa kal-fadhigii shalay, ayaa sheegay inuu  furmay kal-fadhigii 9aad ee golahoodda, isla markaana ay ka doodi doonaan sida hawluhu u socdaan iyo qorshayaasha bilaha soo socda ay qabsan doonaan.

Maayarka Caasimadda Hargeysa  Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelko) oo ka warbixinaya kal-fadhigan waxa uu yidhi“Waxa inoo furmay kalfadhigii 9aad ee golaha Deegaanka Caasimadda, waxaana kaga hadli doonaan wixii inoo qabsoomay afartii bilood ee u dambeeyey, oo ay ka mid yihiin wadooyinka oo maanta qaarkood xadhiga ka soo jari doono,  wadooyinka kale ee ka socda degmooyinka, waxa kale oo caasimadda keenay Laydhadhkii kala hagayey magaaladda, caagagii qashinka lagu ridayey, Geerashka loo samaynayo Dawladda hoose oo halkii markii hore u qorshaynaysa laga bedeli doonno oo meel kale ka dhigi doonno.

Waxa kale oo jirta xidhiidh iskaashi oo ina dhexmaray caasimadda Sweden ee Stokhm oo ina casuumay, waxa kale oo halkaasi tobabar ku soo qaadan doonno shan xildhibaan oo golaha deegaanka ka tirsan kuwaas oo noqonay xildhibaanadii ugu horeeyey ee waxbarasho dibadeed u baxa, waxaana xildhibaanadaasi ku kala saarnay si bakhtiya nasiib ah, waxaana rajaynayaa in aad intii kale usoo duceyn doontaan oo iyadoo Xildhibaanno kale aanu rajaynay inuu dalal kale Tobabar ku soo qaadan doonaan, waxa kale oo aan idinla socodsiinayna in guddi hoosaadyaddii golaha deegaanka la kala bedeli doono si xildhibaan waliba usoo maro guddiyo kal duwan, marka kala bedelkaasi waxa inaad raali ka noqodaan oo booska nasiibkaagu ku geeyo raali ku noqotaa waayo bari ayaad guddi kale ka mid noqon doontaa, isku bedelkuna waa sunne dawladeed oo waa muhiim si dardar u noqota guddi hoosaadyadu waa marka muddo la jooga la isku bedela, marka waxaan rajaynaa inaad arrintaasna aqbali doonaan” .

Maayarka Hargeysa wuxuu sheegay in la bilaabi doono dhismaha jidka isku xidhaya Saldhiga dhexe iyo madaarka Hargeysa oo sidoo kale tagi doona jaamacada Hargeysa, waxaanu sheegay inay sanduuqyo xisaabeed oo lagu taakulaynayo jidadkaasi furi doonaan si ay dadweynuhu uga qayb qaataan.

Sidoo kale, waxa iyaguna halkaasi aragtidoodda iyo doodoodda ka dhiibtay xildhibaanadda kuwaas oo ajandaha ku soo daray qodobo muhiim ah in laga hadlo, kuwaas oo qaar soo bandhigeen Taawiradda shirkadaha isgaadhsiinta oo ay sheegeen in waxyeeladda iyo cashuurta laga helaa kala badan tahay, iyagoo xusay inay daraasad ku sameeyeen, sido kale waxa xildhibaanaddu ka doodeen in shirkadaha jaadka iyo kuwo Biyaha iyo sharaabku oo ah kuwo ugu qashinka badan aanay door fiican ka qaadan ololaha nadaafadda iyo waxa laga yeellayo.

Sidoo kale, Maayarka Caasimadda Soltelko ayaa xildhibaanadda ka codsaday in maalin gaar ah loo qorsheeyey inay xafiisyadda fulinta yimaadan, isla markaana inta kale noqoto maalin dadweynaha loo shaqeyo, waxaana ka mid ahaa hadaladiisa “Maadaama oo aynu Xildhibanadii golaha deegaanka nahay si hawluhu qaranku inoogu socdaan waa in xildhibaanadda maalina kaliya loo qoondooyo maalintaasi ay noqoto Arbacadda, isla markaana maalmaha kale u daayaan dadweynaha iyo adeega loogu hayo, waayo waxad doorteen gudi fulineed guddidaasi waa inay u adeegaan dadweynaha”