Golaha Ammaanka Oo Ka Hadlay Dadkii Badda Ku Qarqoomay, Dunidana Faray In Laga Hortago Doonyaha Geerida

0
655

New York (Geeska)- Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa dalbaday in la dhaqangeliyo go’aamadiisii hore ee la xidhiidhay in doonyaha tahriibka laga mamnuuco badda Dhexe (Mediterranean ka) oo ah badda ay doonyaha geerida kaga tallaaban tahriibayaasha Yurub u tacaburayaa.

Illegal migrants are seen on a boat that they used, after being detained at a Libyan Navy base in the coastal city of Tripoli

War-murtiyeed ka soo baxay sabtidii shalay ayaa uu Golaha ammaanku ku faray dhammaan dawladaha xubnaha ka ahi in ay dhaqangeliyaan qaraarkii tirsigiisu ahaa 2240 ee uu hore uga soo saaray in laga hortago doonyaha ka soo shiraacanaya xeebaha dalka Liibiya ee ku sii jeeda Qaaradda Yurub ka hor inta aanay kaba soo goosan xeebaha Liibiya.

Dhinaca kalana golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey waxa uu war-murtiyeedkiisan ku sheegay in goluhu uu aad uga xun yahay Shantii boqol ee Tahriibe ee toddobaadkii hore ku qaraqmay Badda Dhexe (Mediterranean), waxa aanu goluhu sheegay in uu aad uga cabsi qabo in uu sii kordho tahriibka oo khatar ku ah nolosha dadka oo uu xusay in mahlakadaas ay u horseedaan shabakado mukhallasiin ah oo ka ganacsada tahriibinta.

Dhinaca kalana Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey waxa uu war-murtiyeedkan ku dalbaday in ay lagama maarmaan tahay in dadka tahriibka masuulka ka ah lagula xisaabtamo sharciga caalamiga ah, isaga oo dalalka xubnaha ka ahna ko boorriyey in ay kordhiyaan iskaashiga caalamiga ah ee lagu waajahayo korodhka dadka ka ganacsadaha aadamaha ee nafta dadka khatarta gelinaya.

Ugu dambayntii war-murtiyeedkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda Al-Carabiya waxaa lagu sheegay in ay lagama maarmaan tahay in ay dawladaha xubnaha ka ah golaha ammaanku gutaan waajibka ka saaran ka hortagga khatarta burqashada tahriibayaasha.