Wasiir Warancade Oo Ka Hadlay Iska Horimaad Dhex Maray Ciidamada Booliska Iyo Dadka Deegaanka Qoolcaday

0
585

Hargeysa(Geeska)-Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade, ayaa ka hadlay iska  horimaad shalay dhex maray ciidamada Booliska iyo dadka deegaanka Qoolcaday, ka dib markii shalay deegaankaas la geeyay riig biyood, waxaana riigga horkacayay Salaadiinta deegaankaas iyo wasiirka xanaanada xoolaha Somaliland.

4

Wasiir Warancade, ayaa telefishanka Star u sheegay in iska horimaadkaasi uu sababay dhaawaca saddex askari iyo laba ruux oo shacab ah, ka didb markii ay dadka shacabka ah iyo Booliskii riigga galbinayay isku dhaceen, “Mashruuc biyo soo saarid ah ayaa laga bilaabayay Qoolcaday oo wasaaradda xananaada xooluhu hoggaaminaysay iyo wasiirkeedu,markaas horta tushuush ayaa ku dhex jira oo khalad ayaa dadkii loogu waramay markaas iska horimaad ayaa ka yimid Booliskii iyo dadkii deeganka ahaaa.” ayuu yidhi Warancade, oo intaas raaciyay in iska horimaadkaas ay ku dhaawacmeen saddex askari iyo laba qof oo shacab ahi, waxaanu intaas raaciyay “Meeshii waanu joognaa, wax dhibaato ahina kama jiraan, dadkii khaladkaas fahansanaana inaan la hadalno oo loo sheego waxa jira, waanan balansanahay markaas khayr ayay ku dhammaanaysaa.”

Dadka deegaanka ayaa sidoo kale muraayadaha ka jajabiyay qaar ka mid ah baabuurtii ay wateen weftigii riigga waday, waxase rasaas ku kala dareeriyay ciidamada Booliska.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa shalay gaadhay deegaankaas, waxaanay wararkii u dambeeyay sheegayaan in xaaladda deegaanku xalay ilaa shalay gelinkii dambe degenayd.