Madaxweynaha Suuriya Oo Maraykanka Uga Digay Weerar Uu Dalkiisa Ku Qaado

0
491

Picture1Madaxweynaha dalka Suuriya ee ay xaaladu ku adag tahay ayaa dawladda Maraykanka uga digay inay weerar ku qaado ciidamadiisa, iyadoo ka jawaabaysa eedaymaha loo jeediyay ciidamada Bashaar Al Asad ee sheegaya inay mucaaradkeeda ku isticmaashay hubka kiimikada ah.

Mr. Bashaar, oo waraysi siiyay wargeys ka soo baxa wadanka Ruushka, wuxuu sheegay in eedaymaha ah inuu isticmaalay kiimiko ay yihiin kuwo been abuur ah oo ay sameeyeen dawladaha reer galbeedka iyo dawlado kale oo la siyaasad ahi. “Eedaymahaas waxa sameeyay siyaasiyiin reer galbeed ah iyo dawlado kale, waana wax ceeb ku ah dareenka bini-aadamka, waana macno darro.” Ayuu yidhi Bashaar, isagoo intaas raaciyay inay Maraykanka iyo Ingiriisku hore u faafiyeen dacaayado uu sheegay inay noocan oo kale yihiin balse ay cadaymo u waayeen.

Isagoo la hadlaya reer galbeedka, wuxuu yidhi, “Haddii ay ciddi ku riyoonayso inay Suuriya daba dhlif u noqoto reer galbeedka, taasi maaha wax dhici doona, waxaanu nahay qaran madaxbanaan, waanu la dagaalami doonaa argagixisada.”

Madaxweyne Bashaar, oo si toos ah ula hadlaya Maraykanka, wuxuu yidhi, “Maraykanku wuxuu kala kulmaa faashil dagaaladii hore ee uu qaaday ee ka soo bilaabmayay Viitnam ilaa maanta. Maraykanku dagaalo badan ayuu galay, laakiin marna kuma guulaysan qorshihiisa siyaasadeed ee dagaalka loo bilaabay. Waa run oo dawladaha waaweyni way qaadi karaan dagaal, laakiin su’aashu waa ma ku guulaysan karaan.”