Gobalka Maroodi jeex Oo Hantiyiyay Koobkii Gobalada

1
746

Gobalka Maroodi Jeex ayaa ku guulaystay koobka gobalada Somaliland ka dib markii uu maanta ciyaartii kama dambaysta 1-0 kaga adkaaday gobalka Hawd oo ay isku soo hadheen.

cham

Gobalka Maroodi Jeex ayaa qaybtii hore ee ciyaarta keensaday goolka ay guushu ku raacday, inkastoo uu Hawd isku dayay inuu goolkaas iska soo bedo haddana uma ay suurtogelin. Waxaanay ciyaartii ku dhammaaday 1-0 sabab u noqotay in gobalka Maroodi Jeex koobka qaado, waxaana koobka guddoonsiiyay Madaxweynaha Somaliland oo garoonka ku sugnaa.

Sidoo kale gobalka Maroodi jeex waxa uu ku guulaystay ciyaaraha tartanka kubadda gacanta iyo weliba kaalmaha ugu horeeya ee tartanka orodada.

Comments are closed.