Abiib Timacad Oo La Sii Daayay

0
725

Hargeysa(Geeska)-Xukuumadda Somaliland ayaa xalay cawayskii xabsiga ka sii daysay la taliyihii Madaxweynaha ee arrimaha siyaasadda Md. Abiib Diiriye Nuur (Timacad) oo muddo laba toddobaad ah ku xidhnaa xarunta ciidanka dambi baadhista ee magaalada Hargeysa.

AJK-11

Abiib Timacad, ayaa waxa ay xukuumadu ku eedaysay tuhuno la xidhiidha dilkii foosha xumaa ee ka dhacay deegaanka Seemaal ee u dhexeeya Baki iyo Gabiley, laakiin xalay cawayskii ayaa iyadoon weli la horgayn maxkamad la sii daayay lamana cadayn sifaha lagu sii daayay, waxaana markii la sii daynayay xabsiga ugu tagay guddoomiyayaasha 1aad iyo 2aad ee Golaha Wakiilada Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Baashe Maxamed Faarax iyo weliba masuuliyiin kale oo ay ka mid ahaayeen xubno wasiiro ah.

Marka laga tago Abiib Timacad, waxa kale oo iyaguna weli xidhan oo aan la sii dayn dad ka mid ah bulshada reer Gabiley oo ay ku jiraanSuldaan XuseenAw Muuse Cirday, Sheekh Maxamuud Raage iyo odayaal kale oo u xidhan arrimo la xidhiidha dilkii ka dhacay Seemaal oo lagu dilay saddex nin oo aan waxba galabsan kuwaas oo isugu jiray wiil iyo aabihii iyo nin kale. Dilkaas ka dhacay Seemaal oo aan ciddii ka dambaysay si rasmi ah loo hayn ayaa waxa cambaareeyay qaybaha kala duwan ee bulshada Somaliland oo xukuumadda ugu baaqay inay sharciga horkeento ragga falkaas gaystay, waxaanu dilkaasi abuuray dareen xaasaasi ah oo xataa sabab u noqday inuu Madaxweyne Siilaanyo xilkii ka qaado taliyihii ciidamada Qaranka Md. Nuux Ismaaciil Taani oo shalay si rasmi ah u wareejiyay xilkii.