Madaxweyne Siilaanyo Oo Dib U Soo Celiyay Cali Xoorxoor

0
751

Madaxweynaha JSL, Mudane. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Digreeto Madaxweyne oo Numberkeedu yahay JSL/M/XILQ/249/1-828/122011 Xilkii kaga Qaaday maareeyihii Hore ee Dekeda Berbera, Axmed Yuusuf Dirir.

Siilaanyo-MJ

Waxaanu uga mahadnaqay mudadii uu xilka soo hayey, Hawlihii uu qaranka u qabtay sidoo kale Madaxweynuhu isaga oo Sunaha Dawladnimo raacaya.

 

Markuu Arkay:                          Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad ee Xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markuu Tixgeliyey:                    Ahmiyadda Dekeddu u leedahay Dhismaha Qaranka;

 

Markuu Arkay:                          In baahi loo qabo in la dardar geliyo hawlaha Dekedda Berbera;

 

Markuu Ka Fiirsaday:                 Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

 

Markuu Ku Qancay:                   In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

 

Wuxuu go’aansaday

 

In Eng. Cali Cumar Maxamed (Xoor-xooor) laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Dekedda Berbera ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 

 

ALLAA                        MAHAD                             LEH

Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse)

    Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.