Geeska Afrika Oo Xogo Dheeraad Ah Ka Helay Kulankii Madaxweyne Biixi Iyo Weftigii Beesha Caalamka

0
896

Hargeysa(Geeska)-Weftigii dalalka beesha caalamka ee taageera nidaamka dimuqraadiyadeed iyo doorashooyinka Somaliland ee socdaalka ku yimid Hargeysa, ayaa niyad-jab kala carraabay magaalada Hargeysa, ka dib kulankjii ay la yeesheen Madaxweyne Biixi, khamiistii.

Weftigan oo uu hoggaaminayay ergayga Midowga Yurub danjire Nicolas Berlanga, ayaa kulankii ay Madaxweyne Biixi la yeesheen waxa uu noqday kulankii ugu adkaa ee muddooyinkan dambe dhex mara Madaxweynaha Somaliland ah iyo wefti ka socda dalalka reer galbeeedka, waxaana kulanka goob-joog ka ahaa guddoomiyaha golaha guurtida Saleban Maxamuud Aadan iyo guddoomiyaha golaha wakiilada Baashe Maxamed Faarax.

Sida ay Geeska Afrika u sheegeen ilo xogogaal ahi, ergayga Midowga Yurub oo weftiga u hadlay ayaa Madaxweyne Biixi ka codsaday inuu aqbalo oo uu fuliyo soo jeedintii ay ergada dhexdhexaadintu soo jeedisay ee ahaa in la kala diro guddiga doorashada ee wakhtigan iyo in dib loo soo magacaabo guddigii doorashada ee hore, waxaanu ergaygu Madaxweyne Biixi xasuusiyay guddi doorasho oo la kala diray wakhtigii uu Madaxweyne Rayaale xilka hayay, taas oo uu ula jeeday ergaygu inaanu jirin sharci diidaya in guddiga la kala diro.

Sida uu warku sheegay Madaxweyne Biixi ayaa ergayga Midowga Yurub u sheegay inaanay dalalka Somaliland taageeraa ku lahayn Somaliland go’aan, laakiin ay ku leeyihiin tallo keliya, waxaanu u sheegay inuu aqbalay qodobada ergadu soo saartay laakiin la waafajin doono shuruucda dalka, isagoo sheegay inay weli miiska taalo gogol uu u fidiyay xisbiyada mucaaradka si looga tashado arrintan.

Madaxweyne Biixi, ayaa sidoo kale weftiga u soo jeediyay inay ixtiraamaan shuruucda iyo hay’adaha distooriga ah ee Somaliland.

Madaxweyne Biixi, sida uu warku sheegay wuxuu dalalka Midowga Yurub, gaar ahaan Turkiga ku eedeeyay inay saldhigyo ciidan ka dhisanayaan magaalada Muqdisho, iyagoo dawladda Soomaaliya u tababaraya ciidamo uu sheegay in Soomaaliya doonayso inay ku soo weerarto Somaliland. Waxa kale oo uu dalalka reer Yurub ku eedeeyay inaanay dhex iyo daacad ka ahayn arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya, isagoo soo bandhigay faraqa u dhaxeeya deeqaha ay siiyaan Somaliland iyo Soomaaliya.

Guddoomiyaha golaha guurtida Md. Saleban Maxamuud Aadan oo isna halkaas ka hadlay ayaa dalalka beesha caalamka ku eedeeyay inay doonayaan inay wiiqaan hay’adaha distooriga ah ee Somaliland, waxaanu sheegay inaanu jirin sharci fasaxaya in la kala diro guddiga doorashada ee wakhtigan, isagoo xusay inaanu jirin dambi ay galeen.

Guddoomiye Saleban, waxa kale oo uu sheegay inay Somaliland isku filantahay inay deberto kharashaadka ku baxaya arrimaha doorashada, “Somaliland way isku filantahay.” Ayuu yidhi guddoomiyaha golaha guurtidu isagoo la hadlayay weftiga.

Guddoomiyaha golaha wakiilada Baashe Maxamed Faarax oo isna halkaas ka hadlay ayaa taageeray qodobada guddoomiye Saleban.

Hadalka guddoomiye Saleban iyo Madaxweyne Biixi ayaa waxa la sheegay inay ka muuqatay cadho, waxaanu kulanku ahaa mid ay xaraaradiisu aad u kacsanayd.

Hase yeeshee Madaxweyne Biixi oo markii dambe u muuqday inuu xaaladda dejinayo ayaa sheegay inay shuruucda dalka waafajinayaan qodobada ay ergadu soo saartay, waxaanu sheegay inuu la kulmi doono madaxda xisbiyada mucaaradka si arrimaha la isula eego.

Kulankan ayaa ilahan xogogaalka ahi waxay ku tilmaameen mid adkaa, oo mararka qaarkood la isku weydaarsaday hadalo taag-taagan, waxaanu kulankii dhammaaday iyadoo ay ergadii beesha caalamka wejigooda laga dareemayo niyadjab, waxaanay madaarka ka dhoofeen iyagoon saxaafadda la hadal.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here