Wasiirul Dawlaha Khaarajiga Ee Imaaraadka Oo Ka Hadlay Doorka Dalkiisa Ee Geeska Afrika

0
681

Hargeysa(Geeska)-Wasiirul dawlaha arrimaha dibadda ee dalka Imaaraadka Carabta Dr. anwar Gargash, ayaa ka hadlay doorka Imaaraadka Carabtu ka ciyaarayo isbedelada ka socda gobalka Geeska Afrika.

Dr. Anwar, ayaa hadal ka jeediyay madasha amniga Imaaraadka Carabta oo lagu qabtay dhawaan magaalada Abu Dhabi, waxaana ka qayb galay safiirka Maraykanka u fadhiya UAE iyo madax kale. “Imaaraadka Carabtu wuxuu taageersan yahay qorsha Sucuudigu uu ku abuurayo koox si loo kobciyo xasiloonida, amniga iyo horumarka Badda Cas, sidaas waxa yidhi Wasiiru dawlaha Arimaha Debedda ee Imaaraadka Carabta, Dr. Anwar Gargash.

“Yididiilo cusub ayaa ka jirta gobolka, waana inaynu si wada jir ah fursadda uga faa’iidaysano si loo qaabeeyo xalal waara oo u adeega danta dalalka gobolka islamarkaana buuxiya hamiga shacabkodoa,” ayuu yidhi Dr Gargash. “Waxaanu aaminsanahay in hababkaasi ay ugu danbaynta ka ciyaari doonaan door muhiim ah taagerada xasiloonida iyo horumarka Geeska Afrika,” ayuu ku daray isaga oo khudbad ka jeediyay Madasha Amniga ee Imaaraadka Carabta oo lagu qabtay Abu Dhabi.

Wasiirka Imaaradka Carabtu wuxuu sheegay in uu aaminsan yahay in is dhexgalka gobolku ay tahay mid ka mid ah qaababka ugu waxtarka badan ee wax lagaga qaban karo caqabadaha bulsho-dhaqaale ee sida wayn u saameeya meelo badan oo ka mid ah Geeska Afrika.

In la helo xasiloonida Geeska Afrika waxa ay suurtagal noqon kartaa oo keliya marka la nidaamiyo dhaqaalah, maalgashiga iyo ganacsiga, ayuu ku daran.

Imaaraadka Carabta oo ah dalka afraad ee dhaqaalihiisu sida ugu dhaqsaha badan u korayo Bariga Dhexe, wuxuu muujiyay baahida uu u qabo inuu fidiyo xidhiidhka ganacasi ee uu la leeyahay qaramada dhaqsaha u koraya ee Geeska Afrika.

Abu Dhabi waxaay muhiimad siisaa gobolka Geeska Afrika oo dhaca Badda Cas iyo Gacanka Cadan. Waxa ku jira marin badeedka muhiimka ah ee Bab Al Mandab ee dhex mara Yemen iyo Bariga Afrika.  “Nabadda, xasiloonida iyo barwaaqada dhaqaale ee gobolku waa arimaha u muhiimsan ee ay ku dhisan tahay doorka Imaaraadka Carabtu ku leeyahay Geeska Afrika,” ayuu yidhi Dr Gargash.

Wuxuu yidhi Imaaraadku wuxuu ka ciyaaray “doorar badan oo wax-dhisid ah Geeska Afrika, wuxuuna sii wadaa inuu u ahaado taageero wayn dadaalada caalamiga ah ee dib loogu soo celinayo nabadda iyo xasiloonida gobolka, iyada oo loo marayo [gargaar] banii-aadantinimo iyo horumar, iyo sidoo kale dadaalo amni.”

Door muhiim ah oo Imaaraadku ka ciyaaray gobolka wuxuu ahaa inuu iskaashi kala yeesho Sucuudi Careebiya inay dhex-dhexaadiyaan heshiiska nabad ee taarikhiga ah ee ka dhex dhacay Itoobiya iyo Ereteriya July 2018.

Dalka Suudaan, waxa Imaaraadka iyo Sucuudigu ay gacan ka gaysteen in la fudaydiyo heshiis dhex mara ciidanka iyo kooxaha rayidka ah si ay u sameeyaan geediga taariikhiga ah ee loo galay dimoqradiyadda, heshiiskaas oo la galay August.

“Sudaan iminka waxaay fursad aan hore loo arag u haysataa inay geedigan u bedesho hanaan guul ah oo waara kaas oo u noqon kara wax lagu daydo dalalka kale ee gobolka,” ayuu yidhi sarkaal Imaaraadka ka tirsan.

Dr Gargash wuxuu tilmaamay in sidoo kale dhacdooyinka ka dhacay Itoobiya, halkaas oo Imaaraadku uu gacan ka gaystay inuu bilaabmo wada hadal dhex mara Erateriya si loo dhameeyo colaad tobonaan sanadood soo jirtay oo dhalisay in Raysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu ku guulaysto Nobel Peace Prize. “guulaha dhowaan laga gaadhay Suudaan iyo Itoobiya waxay muujinayaan inaynu hami wayn ka yeelano si loo raadiyo wadooyin cusub si gacan loo siiyo geediyada iyo hawlaha diblomaasiyadeed ee keeni kara rajo,” ayuu yidhi Dr Gargash.

Wuxuu cadeeyey in Imaaraadku doonayo in geediga ka socda Suudan iyo Itoobiya la taageero si qayb ka ah caawimada gobolka aanu ku caawinayno “taageerayada balaadhan ee aanu dib ugu bilaabayno korriin iyo maalgashi halka aanu sidoo kael wax ka qabanayno dib u habaynta iyo horumar la’aanta.”

“hadii geediga ka socda Suudaan iyo Itoobiya aan la maarayn oo aan la taageerin, is-bedelka la filayo inuu ka dhaco gobolku dib ayuu u saqiiri karaa, taas oo khatar ku keeni karta nabadda iyo xasiloonida guud,” ayuu ku yidhi sharaxaadiisa.

Wuxuu wasiirku sheegay in Imaaraadku uu sidoo kale door muhiim ah ka ciyaaraa sidii loo majo xaabin lahaa khatarta Al Shabaab, wuxuun dadaal geliyay sidii loo ilaalin lahaa xorriyadda mushaaxidda badda gobolka.

Dr Gargash wuxuu yidhi Imaaraadku wuxuu isku dayay inuu la dagaalamo “budhcad badeedka xeebta Somaliya, wuxuuna taageeray wada hadal Soomaalida dhexmara si loogu helo nabad iyo amni dalka.”

Dalka Yemen, Imaaraadku wuxuu sidoo kale udub dhexaad u yaahy la dagaalanka Al Qaacidada Gacanka Carbeed iyo xorraynta Cadan iyo gobolo badan oo koonfurta, isaga oo qayb ka ah Is-bahaysiga Carabta.

Balse “maaha in loo arko inay yihiin oo keliya dadaalo lagu la dagaalamayo argagixisada oo bartilmaameedsanaya Alqaacidada Gacanka Carbeed,” ayuu yidhi,” Dr Gargash.

Wuxuu yidhi dadaaladani “waxaay u yihiin qayb muhiim ah bartilmaameedsiga iyo dabargoynta marinada Alqaacidada Gacanka Carbeed ay wax u mariso Al Shabaabta Somalia.”

Jabhadaha ka midka ah dagaalka sokeeye ee Yemen waxaay marar badan bartilmaameedsadeen maraakiibta caalamiga ah iyaga oo qasbay in la xidho [marin biyoodka] Bab Al Mandab ee kala sooca Koonfurta Yemen iyo Jibiiti iyo Eritriya.

Taariikhda iyo samayska dhulka ayaa isku xidha Geeska Afrika iyo Gacanka Carbeed, islamarkaana goboladu waxaay wadaagaan dhaqan, gacansi iyo xidhiidh bulsho, ayuu yidh Dr Gargash.

Su’aalo la waydiiyay markii uu qudbadda dhamaystay, Dr Gargash wuxuu ku hanbalyeeyey Midawga Afrika waxtarnimada iyo guusha uu ka gaadhay Suudaan, halkaas oo uu gacan ka gaystay heshiiska lagu abuuray dawladda ku meel gaadhka ah iyo sidoo kale meelo kale oo ka tirsan qaaradda.

“Aaan idhaahdo tani maaha meel aanu guul ka keenay Jaamacadda Carabta ahaan, waxaynu haysanaa urur goboleed lagu dayan karoo o firfircoon, waqtigana la socda, balse Jaamacadda Carabtu sidaas maaha,” ayuu yidhi. “Imaaraadku wuxuu jecel yahay inuu la shaqeeyo ururada waxtarka ah, waa inaynu waxbarano oo fahanno oo aragno waxa aynu qaban karno.”

Wasiiru dawluhu wuxuu tilmaamay in Imaaraadka oo ah “dal heer dhexe ah” uu u eeg yahay mid “iskaashi la yeesha dhinacyda.”

“Ma lihin istiraajiyad gaar noo ah, taasi macquul maaha,” ayuu yidhi. Balse wuxuu yidhi dalku wuxuu leeyahay ujeedooyin kama kacdo ah -oo ah kobcinta xasilnooida, la dagaalanka xagjirnimada iyo argagixisada iyo sidoo kale dhisidda fursado dhaqaale.  “tan iyo markii la abuuray Imaaraadka, xidhiidhka aanu la leenahay Geeska Afrika si tartiiba ah ayuu u korayay ioo taban kii sanadood ee u danbeeyey waxa sidoo kale koray taageerada aanu siino inta badan dalalka gobolka,” ayuu yidhi wasiirku.

“Sidaasdarteed, waxa yimi waqtigii aan dib u cusboonaysiin lahayn dadaaladayada oo aanu si wada jir ah u taageeri lahayn Geeska Afrika si loogu rogo bog cusub oo iskaashi gobol ah kaas oo keena in si buuxda daaha looga rogo awoodiisa dhaqaale.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here