Dr. Cumar Cilmi Dixood Oo Sheegay Inuu U Sharaxanyahay Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE

0
590

 

dixoodHargeysa(Geeska)-La taliyaha gaarka ah ee Madaxweynaha Somaliland; Dr. Cumar Cilmi Dixood, ayaa sheegay inuu u sharaxanyahay jagada guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, waxaanu ku biirayaa loolanka ka dhex taagan gudaha xisbigaas.

 

Dr. Dixood, oo isagoo jooga magaalada Addis Ababa ee wadanka Itoobiya, xalay la soo xidhiidhay Geeska Afrika, wuxuu sheegay in marka la gaadho shirweynaha xisbiga uu isa soo shiri doono, “Waxaan idiin cadaynayaa inaan noqon doono murashax u tartama jagada guddoomiyaha KULMIYE.” Ayuu yidhi Dixood, waxaanu intaas raaciyay, “Waan ogahay oo waxa adkaan doonta cidda ku soo bixi doonta murashaxnimada KULMIYE, mana hawlyara, waxase aan cadaynayaa inaan murashax ahay.”

Mr. Dixood, wuxuu intaas raaciyay “Waxa loo baahanyahay in laga fiirsado dadka maalin kasta la leeyahay xisbigay ku soo biireen ee ay dad gaar ahi siinayaan kooto,  ma noqonayaan loomana aqoonsanayo golaha dhexe, ergada golaha dhexe shirkii Burco ayaa u dambeeyay.”