Madaxwaynayaashu Way guuran siyaasaduhu way Tagaan Laakiin Deegaanku ma guuro, Waar Guuri Maysaan OO guurimayno, Waxa Qortay Nimco Cabdi Galiixe

0
800

nimcoSomaliland waa dal ay wada leeyahiin beelo kala hayb ah kuwaas oo Allah (SWT) ku wada beeray soohdinta lagu tilmaamsado Somaliland iyada oo aan laga la tashan. Sidaa darteed, waxaan qallinka u miciinsaday in aan wax ka iftiimito duruufaha taagan iyo xaaladda ka aloosan Gobolka Sool oo hadda si qumman iyo si qaldanba loogaga faalloonayo warbaahinta dalka ta cadowga ah ee loo adeegsado somaliland iyo tan caalamiga ahba.

Haddaba, inta aanan u gonda degin dulucda qormadan, waxaan dib u jaleecayaa sooyaalka iyo waayaha uu dalku soo maray si qofkii xogmooga ugu hoga tusmeeyo halka laga soo anba qaaday geeddi socodka qarankan curdinka ah.Ugu horraynba, Qarranimada Somaaliland waxaa ay ku dhallatay loollan soo jiitamayay muddo dheer kaas oo loo huray naf, mood iyo maalba iyada oo loo sadqeeyay dhiigga kumanyaal dhallinyaro ah oo isu biimeeyay in ay ka dhiidhiyaan dulmi iyo gabboodfal ummadda loola badheedhay kana imanayay dawladii kali taliska ahayd ee xasuuqa xun ku haysay umada reer somaliland.
Naftood-hurayaashu waxaa ay u hanqal taagayeen in ay ka tagaan bulsho ku wada nool isqadarin, isxurmayn, yididiilo iyo talo dhex u ah dadka. Sidoo kale, halganku waxaa uu gallaaftay boqolaal birmagaydo sida nindoorkii dadka, dumar, caruur iyo cirroole intaba.Khasaaraha intaa leeg oo laga dhaxlay burburka dalka intiisa badan. dhimashada kumanyaal qof iyo qaxa boqolaal kun oo qof.
waxaana laga dhaxlay dadka oo u madaxbannaanaada taladooda laguna saleeyo in gogol loo dhan yahay looga arrinsado waxii dan u ah dalka iyo dadka.
dagaaladaa iyo dhibaatada ka dib waa tii la iskugu yimi shirkii burco 1991, shirkaasi oo si mug leh ay uga soo qayb galeen dhamaan beelaha somaliland daga, shirkaas oo lagu go,aansaday in somaliland ay dib xornimadeedii ula soo noqoto, waxaynu ogayn in ay goobtasi iskugu yimaadeen aqoonyahanada, siyaasiyiinta , hogaamiya dhaqamedyada iyada oo waliba gadhwadeen ka ahaayeen ururkii SNM waxaa la isla qaadtay iyadoo aan beelna la khasbayn in somaliland la yagleelo lana sameeyo nidaam dawli ah oo ka kooban umada reer somaliland oo dhan, taas oo xukuumadii ugu horaysay lagu doortay hogaankii SNM oo uu madaxwayne ka noqday alla haw naxariistee mujaahid, C/raxmaan Axmed C ali.
Kullamada wad-tashi ee beelahu kumay gebo-geboobin shirweynahii Burco 1991, balse mar kale iyada oo ay dhan yihiin beelahu waxaa ay ku kulmeen Boorama 1993, iyo Hargeysa 1997 iyada oo talada dalka loo cimaamaday, Alla ha u naxariistee, Madaxwayne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal halkaas oo dhidibada loo taagay dhismahii dawladnimo iyo dhammaan tiirarka sharciyeed iyo maamuleed ee aan looga maarmin taabbo galka qaran xor ah. Ugu danbayntii, talada waxaa hoos loogu daadejiyay shacabka, waxaana dalka ka qabsoomay aftidii Dastuurkii Jamhuuriyadda Somaliland 2001. Aftida waxaa goobjoog ka ahaa shakhsiyado caalami ah, hay’ado duwali ah iyo kuwo aan duwali ahayn, waxaana si xor iyo xalaal ah shacabku codkooda ku muujiyeen ansaxinta Dastuurkii Jamhuuriyadda Somaaliland iyada oo ay u codeeyeen in ka badan 97%.

Geedi-socodka hannaanka dimuqraadi waxaa uu suurta geliyay hannaanka xisbiyada badan, doorashooyin xor iyo xalaal ah iyo in dalka lagu maamulo talo loo dhan yahay. Taas waxaa daliil u ah xukuumadda maanta talada gacanta ku haysa waxaa ay ku timid rabitaanka dadka, isla markaana waa xukuumaddii 6aad tan iyo intaan la soo noqonay gobbonimada. Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo isaguna waxaa uu noqonayaa madaxweynahii 4aad oo si nabad ah loo soo doorto. Waxanan hubaa mudane Siilaanyo in uu ku yimid talada shacabka, isla markaana in uu ballan qaaday in uu kursiga bannayn doono marka uu dhammaysto wakhtigiisa .

saan hore usoo sheegay maqaalkan waxan doonayay inaan ku iftiimiyo xaalada ka aloosan G.sool dadka reer somaliland waa dad walaalo ah wada dhashay wada daga waxa ka dhexeeya dhul dawladnimo dan iyo deegaan, maadama ay intaasi wadaagan waxay ku khasban yihiin in ay is xaq dhawraan ilaashadaana nabada, hadii ay tabasho jirto waxaa aniga ila haboon in si miisan leh oo caqliga fiicani adeegayo la iskula eego cabashada jirta, madama somaliland ay maanta heerkan ku soo gaadhay WADA TASHI ,ISKU TANAASUL ,IS QANCIN , WADA HADAL habkan oo aan ka fogayn diinteena iyo dhaqankeena suuban, laakiinse ma haboona kooxo ama shaqsiyad dana gaara leh inay majara habaabiyaan bulshada iyada oo danahooda ka fog yahay danta taala deegaanada somaliland taa waxaan uga jeedaa kooxaha ku shirayay taleex ee nidaamka dhalanteedka ah watay ee aan ka turjumayn baahiyaha yaala dhulkasi sida wax barashada, caafimaadka iyo adeegyada bulshada ee kala duwan.
mana haboona umad kuwada nool nabad galyo iyo xasilooni in dusha lagaga soo waarido nabad galyo daro iyo xasilooni daro lana dhex dhigo qori dab leh oo keena dhibaatooyin aan laga soo waaqsan, markaa waxaa shacbiga somaliland ee samo taliska ah ku haboon in si wada jira ay uga soo horjeedsadan dhibaatooyinkaas ay umaleegayaan kooxo kaga soo duulay somaliland meelo ka mid dunida daafaheda, nimanka gadhwadeenka ka ah kooxahasi sida cali khaliif galaydh iyo kuwa la midka ah waa niman dabartay noloshoodii soona dhigtay dumaradoodii iyo caruurahoodii yurub iyo maraykan. markaa dadka reer somaliland ee dagan deeganada waa inay ka foojignadan colaada ay u aloosayan kooxaha maleeshiya oo aanay waxba dhulka ka ool , midna waa iga nasteexo waxan odhan lahaa Madaxwaynayaashu Way guuran siyaasaduhu way Tagaan Laakiin Deegaanku ma guuro, waar guuri maysan oo guuri mayno ee aan nabad kuwada noolano markaa waxan kula talin lahaa shacbiga reer somaliland ee deeganadas inay dhagaha ka furaystan kooxaha fidma wadayaasha ah ee aan dantooda wadin.
somaliland waxay ku taalaa mandaqad qalalaase iyo daganasho la,aan ka taagan tahay taas oo la odhan karo nasiib wanag iyadu way ka badbaaday dhibaatooyinka ka taagan dalalka dariska an nahay, sida somaliya, marka uma baahna kooxo ka mida kuwa somaliya soo gubay inay somaliland dadkeeda walaalaha ah ay colaad ka dhex maleegan. oo hadii sida ay doonayaan kooxaha fidmawadayaasha ahi ay usuuro gasho ay ka abuurmi karto dhibatoyin halis galiya shacbiga ku nool G.sool una horseedan dagaalo hor leh iyaga oo ku qabanaya gaas iyo kabriid markay isla olashana iskaga laaban doona meelihii ay ka kala yimaden. hadaba waxan ugu baaqaya walaalahayga deganka ku ah G.sool inay meel ka wada istagan IL kaliyana kuwada eegan cadowga raba inay kusoo duulan iyaga oo nasteex iskaga dhigaya, waxan odhan lahaa walalahay somalidu waxay ku maah-maahda (OODI AB KA DHAW) markaa aan wada ilaalino nabad-galyada,waxaa kale oo loo baahan yahay in aynu iska ilaalino gacmo shiisheeye oo ku taamaya bur-burinta iyo kala go-goynta somaliland
qofkasta oo muwaadin reer somaliland ahna waxaa ku waajiba inuu meeshiisa masuul ku ahaado ilaaliyana qaranidma somaliland
ninowna ha ku hamiyin ama ha ku fakarin dhulka somaliland leedahay in sinaba looga taago calankii somalidii is haligtay ay lahaayeen oo ka tawxiidka ku qoran yahay lagu badasho shaqsiyad ama kooxo masiirkan umada somaliland ay ku go,aansadeen ma badali karan, cidnabana ka yeeli mayno, nabaduna adiga aniga iyo dhamaan umadoo dhan dan bay utahay oo hadii anay nabadi jirin caruuro iskuul dhiganaya ma jirayan dhaqaale la abuuri kara ma jirayo ee aynu kuwada noolano nabad-galyo xasilooni iyo daganaasho.
Dalka somaliland waa dal 20 jirsaday,qofku markuu 20 gaadho waxa lagu tilmama waa marka uu ugu xooga iyo firfircoonida badan yahay caqliyada suubani marnaba ma odhanayso dib ha loogu noqdo guur-guurad ama gu,jir taana waxaan uga jeeda ilmihii dhashay markii somaliland dib ula soo noqotay xornimadedii ayaa ilmihii uu sii dhalay maanta iskuulada wax ka barta taana waxaa usamaxday nabad galyada dalka ka jirta, marka waxan odhan laha kuwa marin habaabsan ee maanta ku baaqaya dib ha loo noqdo miyayna ka haboonayn in aynu ka faa,iidaysano dhaawicii xanuunka badnaa iyo dhibaatoyinkii aynu soo marray oo aynu noqono kuwo maanta caalmaka la jaan qaada.
waxan u hambalyaynayaa ciidamada somaliland gaar ahaan ciidan qaranka, waa kuwo heegan u ah una tababaran sugida ilaalinta xuduudaha iyo qaranimada soamlialnd, cid kasta oo soo daan-daansata ama soo tuur-tuurtana uga aabo yeelimayan ina ay ka difacan. xuduudaha somalilandna waa lama taabtaan hana u arkina tudhista ay shacbiga utudhayaan inay baqayaan ee waa kuwo danaynaya wada nolanshaha wanaaga iyo umada walaalaha ee reer somaliland,
gaba-gabdii waxaan dumarka G.sool ugu baaqi lahaa in ay ka qayb qaadtan nabada maadama ay yihiin hooyoyinka dhibta inta ugu badani saamayso waxan leeyahay hooyo oo walaal horaa loo yidhi (dagaal wiil kuam shasho wiil baa ku dhinta) waxa maanta tusale inoogu filan dhibka haysta hooyada somaliya joogta oo aan sinaba u helin mudnaantii cisigii karaamdii iyo ixtiraamkii hooyanimo waxay maalin walba la kulantaa boob dhac dhibato dhiig dhimasho bur-bur baaba,a barakac iyo colaado aan daba-go lahayn mudada 20ka sano ah, hadaba dumarow looma baahna caruurteena inan ka yeelo nin wiilkiisa yurub sodhigtay inuu wiilkaga qori udhiibo oo uu wax ku dilo ama isaga lagu dilo, ee waxa loo baahan-yahay inan siino qalin ay wax ku bartan wiilashenu kaasi oo anfaci doona if iyo aakhiraba.
ugu danbaytii waxaan leeyahay dhamaan dumarka reer somaliland gaar ahan inta danaysa siyaada dalka, maanta waxaa la gaadhay xiligii aan siyaasada dalka somaliland wax badan ka badali lahayn haba ugu horeyso ka qayb qaadashada nabaduye.
Wabilaahi Towfiiq
ALLA MAHAD LEH
Naciima Cabdi Galiixe
naciimacabdi3@hotmail.com