Gudd. Cirro Oo Sheegay In Lixdii Sano Ee Xukuumadda Siilaanyo Uu Tahriibku Ka Sii Daray Kuna Eedeeyey Qorshe La’aan

0
525

Hargeysa (Geeska)- Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ku eedeeyey in ay ku guul-darraysatay wax qabashada dhalinyarada dalka ee tahriibaysa oo uu sheegay in ay maalinba maalinta ka dambaysa tiradoodu sii kordhayso.

1

Guddoomiye Cirro oo shalay ka hadlayey xaflad uu xisbigiisu ku soo dhoweynayey taageerayaal kaga soo biiray gobollada Bariga ee Somaliland waxaa hadalladiisa arrintan ku aaddan ka mid ahaa, “Mushkiladda Tahriibku waa mushkilad Qaran oo u baahneyd in aynu talo badan ka yeelanno iyo in xal laga gaadho”

Guddooomiye Cirro isaga oo si gaar ah uga hadlaya hadalladii Xisbiga KULMIYE ka odhan jiray tahriibka xukuumaddiisa ka hor iyo halka uu xaalka tahriibku marayo hadda oo uu xisbigu talada hayo waxa uu intaas ku sii daray, “Xukuumadda KULMIYE berigii ay xukunka dooneysey waxay odhnan jirtey, ‘HA TAHRIIBINA WALAAL UDUB WEY TEGEYSAAYEE’ laakiin lix sannadood kaddib tahriibkii waxaad moodaa inuu ka sii darey oo uu majaraha goostay"

Dhinaca kale qoraal uu ku saxeexan yahay Guddoomiye Cirro oo warbaahinta loo qaybiyey ayaa uu Guddoomiyuhu ku yidhi, “Wxa aan tacsi tiiraanyo leh gaadhsiinayaa umadda reer Somaliland ee ay ka baxeen boqollaalkii qof ee ku naf waayey badweynta Dhexe (Mediterranean) waa dhacdo aanay abidkeed mid la mid ahi ina soo marin, aad iyo aadna waa ay noo xanuunjisay dhab ahaan. Wiilal iyo gabdho ba Ilaahay ha u naariisto, ehelkii ay ka baxeen iyo umadda Somaliland na Samir iyo Iimaan saadiq ah ha ka siiyo”

Guddoomiye Cirro waxa uu qoraalkiisan ku soo jeediyey laba amuurood oo kala ah:

1. In qaran ahaan loo qabto Salaatul Jinaaso waddanka oo dhan laga tukado, oo ah dadkaas halligmay oo loo gudayo xaqa ugu yare e ay leeyihiin

2. In Xukuumaddu ay ka hawlgasho sidii loo heli lahaa magacyada Saxda ah iyo tirade dhab ahaan masiibadaas ku naf waayey oo sugan.

Dhinaca kale xisbiga WADDANI axa uu qoraalkiisan ku sheegay in masiibadani maadaama oo aanay hadda bilaabmin, dhalinyaro badanina ku dhinteen loo baahan yahay in la is weydiiyo Maxaa xal ah? Iyo sidee inta nool loo caymiyaa?

Dhinaca kale waxa uu qoraalkani xukuumadda ku dhaliilay in aanay wax-qorshe ah ka lahayn arrimaha waaweyn ee tahriibku ka mid yahay, “Dhab ahaan Qaranka Somaliland, ee ay xukuumadda maanta joogta ee Kulmiye hormuudka u tahay, dhibaatooyinka waaweyn ee tahriibku ka mid yahay, wax qorshe ah oo uga meel yaallaa ma jiro oo ay shacbiga u soo bandhigtay”

Xisbiga WADDANI waxa uu qoraalkan ku sheegay in uu soo bandhigayo barnaamij qaran oo aafada tahriibta lagu yaraynayo, “Dawladnimada iyo guud ahaanba siyaasaddu wax macno ah oo ay leedahay ma jiro, haba yaraatee, haddii aan waayaha umadda hor yaalla, ee kala duwan, xal loogu raadinaynin. In la iska daawado dhibaatooyinkka kala duwan ee bulshada haysta, goor dhowna tacsi uun la sii daayo, oo qoysaska dadkoodu dhamaaday, la’la baroorto oo kaliya ma nagu filna dhab ahaan” ayaa lagu yidhi. Qoraalkan oo ugu dambayntii uu xisbiga WADDANI sheegay in uu diyaar u yahay in uu xukuumadda iyo cid kasta oo ay khusayso kala shaqeeyo sidii aanay u soo noqnoqon lahayn masiibooyinka kuwan oo kale ahi.