Geerida Xaji Cabdi Waraabe: Astaantii Nabadda Iyo Dib U Heshiisiinta Somaliland

0
185

Hargeysa(Geeska)-Alle haw naxariiste waxa shalay duhurnimadii ku geeriyooday magaalada Hargeysa Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf (Cabdi-waraabe), oo ay da’diisu ahayd 122 sannadood.

Xaaji Cabdi-waraabe oo ka tirsanaa golaha guurtida wuxuu u geeriyooday xanuun uu muddo u jiifay, waxaana barqada saaka lagu aasayaa xabaalah Toon ee duleedka Koonfureed ee magaalada Hargeysa.

Xaaji Cabdikariim, wuxuu ahaa astaanta nabadda iyo dib u heshiisiinta Somaliland, waxaana aaskiisa ka qayb galaya inta badan ee bulshada joogta caasimadda Hargeysa.

Xaaji Cabdi-Waraabe oo ahaa nin si wayn loogu xasuusto arrimaha dib u heshiisiinta, samataliska iyo isu soo dhawaynta bulshada, taariikh dheerna ku dhex lahaa, ayaa wuxuu sanadkii 1898-dii ku dhashay miyiga magaalada Hargaysa sida uu BBC-da u sheegay intii uu noolaa.

Xaaji Cabdi-Waraabe oo sanadkii 2012-kii BBC-da uga warramay taariikh nololeedkiisa ayaa sheegay in uu yaraantiisii ku soo barbaaray miyaga, wuxuuna sheegay in 1940-kii loo doortay caaqilnimada beeshiisa, ayadoo xilligaas qofka caaqilka loo doranayo dhinacyo badan laga eegi jiray sida kartidiisa iyo nabaddoonimadiisa.

Mar uu ka hadlay sababta loogu bixiyey naanaysta “Waraabe” ayaa waxa uu sheegay in asagoo kuray ah oo geel la jooga geelii laga dhacay, dabadeedna uu ka hadhi waayey raggii geela ka dhacay ilaa markii dambe uu ka soo dhiciyey ayagoo markii ay ka yaabeen hal adaygiisana ku yidhi waar kani waa “Waraabe”.

Waxyaabaha lagu xasuusto taariikhda Xaaji Cabdi-Waraabe ee caanka noqday looguna aqoonsaday inuu ahaa nin nabadeed waxaa kamid ahaa in asagoo dhalin yaro ah rag ay tol ahaayeen ku qalqaaliyeen in uu u soo aaro aabihii oo ninkii dilay uu isaguna soo dilo. Waxaa markii la diray la socday nin kale oo ay ilama adeer yihiin oo la doonayey inuu hawshaa la soo fuliyo.

Cabdi-Waraabe iyo ninkii la socday ayaa iyaga oo qori sita waxay martiyeen ninkii ay doonayeen in ay qudha ka jaraan.

Ninka ay maaganaayeen markaa ma garanayn, hase yeeshee markii ay martiyeen si gobannimo leh ayuu u sooryeeyey oo u soo dhaweeyey. Markii uu u loogay ee ay raashinkii cuneen ayaa waxaa isa soo qabsaday roob weyn oo mahiigaan ah. Ninkii ay martida u ahaayeen ayaa aqalkii ubadkiisu ku jireen geliyey oo meel uga banneeyey. Roobkii oo da’aya ayay is waraysteen, balse mar dambe ayaa aqalkii ku darroorimeeyay, markaas ayaa ninkii saan ay caruurtiisu ku hurdeen intuu ka toosiyey raggii martida u ahaa uga dhigay darroorintii.

Roobkii qaad waagiina beri, markii ay quraacdeen oo ay doonayeen in ay ka tagaan ayaa ninkii la socday Cabdi-Waraabe ku boorriyay inuu ninka toogto oo aabihii u aaro. Waxaa se lama filaan ku noqotay jawaabtii Cabdi-Waraabe. Wuxuu ugu hal celiyey “ma ninka in tiix biyo ahi i gaadho ii quudhi waayey ayaan xabad u quudhaa”?

Go’aankaas uu qaatay Cabdi-Waraabe ayaa horseeday in sidaas gabadh lagu siiyo reerkii ay colaaddu ka dhaxaysayna ay sidaas ku heshiiyaan.

Waxayna arrintaas u suurto galisay in asagoo yar uu beeshiisa caaqil u noqdo, iyo in uu hormuud u noqdo dadka nabadda ka shaqeeya.

Cabdi-Waraabe ayaa intii uu noolaa BBC-da u sheegay in uu lasoo shaqeeyey madaxdii soo martay Jahuuriyadda Soomaaliya ee ay ugu horeeyey Aadan Cabdille Cismaan, Cabdirashiid Cali Sharmaake iyo Maxamed Siyaad Barre.

Somaliland ayuu sidoo kale lasoo shaqeeyey madaxdii soo martay ee Cabdiraxmaan Axmed Cali Tuur, Maxamed Ibraahim Cigaal, Daahir Riyaale Kaahin, Axmed Siilaanyo iyo madaxweynaha haatan talada haya ee Muuse Biixi.

Xaaji Cabdi-Waraabe ayaa waxyaabaha lagu xasuusto waxaa kamid ahaa in uu aad iyo aad u hadal caddaa oo uu go’aan qaadasho lahaa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.