“Komishankani Waa U Diyaar Inay Is Casilaan, Laakiin Xukuumadda Ayaa Dabada Ka Riixaysa”

0
780

Siyaasi Cabdirashiid Jaamac Dheri

Hargeysa (Geeska)-Siyaasi Cabdirashiid Jaamac Yuusuf Dheri, oo ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa ka hadlay khilaafka Xisbiyada ee ku saabsan Doorashada iyo Komishanka, waxaanu sheegay in Komishanka Doorashooyinku aanay rabin inay Doorasho qabtaan, ama ay xilka sii hayaan, balse laga dambeeyo, oo lagu qasbayo inay meesha sii joogaan, waxaanu tilmaamay inay Xukuumaddu dabada ka riixayso.

Siyaasi Cabdirashiid Jaamac Yuusuf Dheri, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa yidhi “Xisbiga Waddani hore ayuu u caddeeyey mawqifkiisa ku saabsan Doorashada iyo Komishankan, Komishankan Doorashooyinkana anagu hore ayaanu u sheegay in aanan ku kalsoonaan karin, Doorasho dambe oo aanu ku aaminaynaa aanay jirin, runtiina Komishankani waa u diyaar inay is casilaan, laakiin Xukuumadda ayaa dabada ka riixaysa, oo aan rabin inay meesha baneeyaan, Doorasho dhacaysana ma jirto, labada Xisbi ee Kulmiye iyo UCID-na doorasho ma gali karaan, waliba Doorasho Xisbiga saddexaad ee Waddani ka maqan yahay ma gali karaan, I jiid aan ku jiidee waa gacmo daalis, ee Xukuumadda waxaan leeyahay si meesha uga baxaan waxaa la isku hayo, Komishankan aad dabada ka riixaysaan ha ina dhaafan, oo aynu helno Komishan loo siman yahay oo cadaalad ku shaqeeya, ee faraha kala baxa arimaha Doorashada iyo Komishanka”.

Mar uu ka hadlaayey Maceeshada ayaa wuxuu yidhi “Ganacsatadii siday doonto ayey yeelaysaa, oo qiimaha doonto ayey ku kordhinaysaa Maceeshada sarifkii oo jabay, waxayna Ganacstadu isku helaan ka qabaan Xukuumadda, oo hubaal ahaan aan haysan awood ayey wax kaga qabato, dadkiina wey dulman yihiin, oo iyadoo bishii Ramadana lagu jiro ayey haddana Maceeshadii qaali ku tahay, taasna looma baahnayn”.

Dhinaca kale wuxuu Siyaasi Cabdirashiid Jaamac Yuusuf Dheri,tacsi u diray ehelkii, qaraabadii, iyo dhammaan Shacabka reer Somaliland ee uu ka baxay ALLE ha u naxariiste Xaaji Cabdi Waraabe.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here