Garyaqaanka Guud Oo Sharci Darro Ka Dhigay Doodda Qaran Ee Madaxweyne Siilaanyo Aqbalay

20
662

Picture4Hargeysa (Geeska) – Garyaqaanka guud ee Somaliland, Ibraahim iidle Saleebaan, ayaa sheegay inaan xisbiyada qaranku aanay xaq u lahayn inay qabtaan shirka doodda qaran ee ay doraad ku heshiiyeen inay qabato Akadamiyadda Nabadda iyo horumarka Somaliland.

Shirka doodda qaran oo uu qabashadiisa ogollaaday Madaxwayne Siilaanyo isla-markaana xisbiga Muxaafidka Kulmiye xukuumadda ku matalayo.

Garyaqaanka guud ee Somaliland, Ibraahim iidle Saleebaan, oo shalay la hadlay laanta afka Soomaaliga ee VOA, ayaa isaga oo arrimahaa ka hadlaya yidhi “Xisbiga Kulmiye iyo xukuumadda Farqigbaa u dhexeeya, xukuumadda Madaxwaynuhu hogaaminayo Waxay ka kooban tahay Madaxwaynaha, Madaxwayne ku xigeenka, xubnaha Golaha Wasiirada, markaa xukuumaddu waa waaxda fulinta, laakiin xisbigu wuu ka baxsan yahay, waa weel siyaasadeed oo aan matalin xukuumadda, oo aan matalin dawladda, laakiin wuxuu matalaa fikir siyaasi ah oo qaybaan dad dawladda ku jira ama aan ku jirin, markaa farqiga u dhexeeya xukuumadda iyo xisbigu iskumana khaldami karaan. Xisbiguna ma matalo mana cabbiro fikirka xukuumadda, laakiin rayiga xukuumadda iyo rayiga qaranka Madaxwaynaha ayaa matala”

Ibraahim Iidle Saleebaan, waxa kale oo uu sheegay “Ma jiro xeer awood u siinaya xisbi Muxaafid ah ama mid Mucaarad ha noqdo ama Mucaarad iyo Muxaafid isku tagay ha noqdaane  inay yidhaahdaan annaga ayaa dood qaran qabanayna oo hogaaminaya, hadduu jirana waxa uu ka hor imanaya xeerarka kale ee jira” ayuu yidhi.

 

Comments are closed.