Cabdillaahi-Cirro Oo Xisbiyada Ku Bogaadiyay Is-Afgaradka Ay Ka Gaadheen Doodda Qaran

29
744

Picture3Hargeysa(Geeska)-Wasiirkii arrimaha gudaha ee xukuumadii UDUB Md. Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cirro) ayaa saddexda xisbi qaran ku bogaadiyay is afgaradka ay ka gaadheen qabashada doodda qaran oo ay muddo mucaaradka iyo muxaafadku ku muransanaayeen.

Mudane Cirro, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika, wuxuu sheegay in heshiiskaasi uu ka farxiyay reer Somaliland islamarkaana uu ka nixiyay cid kasta oo cadow ku ah qaranimada. “Waxaan bogaadinayaa heshiiska ay saddexda xisbi qaran ka gaadheen doodda qaran. Waa arrin Somaliland oo dhan ka farxiyay haddii ay soo afjarantay. Anigoo bogaadinayaa cid kata oo gacan ka gaysatay isu soo dhawaynta xisbiyada, waxaan si gaar ah u bogaadinayaa guddoomiyaha Guurtida Md. Saleban Maxamuud Aadan iyo Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdiwaraabe).”

Ugu dambayn wuxuu Cabdillaahi-cirro yidhi, “Waxaan leeyahay is afgaradka la gaadhay wuxuu ka farixyay Somaliland, waxaanan rajaynayaa inay ka soo baxaan go’aamo dalka wax tar u ah, islamarkaana ka nixiya nacabka Somaliland.”

 

Comments are closed.