Garyaqaan Mubaarik Oo Iska Casilay Shaqada Qareenimo

0
843

Hargeysa(Geeska)-Garyaqaan Mubaarik Cabdi Ismaacil ayaa ku sheegay in uu shaqada garyaqaanimo ee uu maxkamadaha kaga shaqaynaayay uu isaga tagay kadib markii uu u arkay sharciga Somaliland inuu yahay mid aan shaqaynayn, isla markaasna garsoorka iyo siyaasadu ay isku milmeen.

Qareenkan shaqada ka tagay ayaa Somaliland ku tilmaamay in layskala baxay xayndaabkii sharciga banaankana lays baacsanayo.

Garyaqaan Mubaarik ayaa warbaahinta u cadeeyay inuu shaqadaas ka fadhiistay kadib markii xaalku xumaaday, waxaana isaga oo arintan sharaxaaya uu yidhi “Waxaan aaminsanahay in aanu Somaliland sharcigu ka shaqaynayn boqolkiiba boqol, markaas maadaama oo aanu sharcigu shaqaynayn oo qofkii layska soo xidhaayo iyada oo waaran maxkamadeed aan la sidan, qareenku aanu qofkuu qareenka u ahaa saldhiga ku booqan karin oo aanu waraysan karin oo xiliga baadhitaanka aanu qareenku qayb ka ahayn sida dastuurka ku qoran, dhibaatada qareenada haysataa waa in ay qareenadii la noolaayeen arimahan, laakiin markaan waxaas oo dhan arkay oo ay ugu weyntahay qareenku maxuu qofka ka difaacaa uu qareenka u yahay? Waxa uu ka difaacaa cadaymaha ay boolisku keeneen ayaa la siiyaa oo dawlada, booliska, xeer ilaalinta waa ay la shaqeeyaan markaas hab firkiii dawlada waxa uu ku salaysan yahay in ay qareenada u arkaan kuwo mucaarad ah oo dawlada ka soo horjeeda, taasina waxay keentay in qareenadiina go’doon la galiyo qareen kasta oo Somaliland ah waxaan aan sheegayo waa uu ka cabanayaa, Somaliland in looyar laga noqdo oo laga shaaqeeyaa waxaan u arkaa inay tahay mid aad u adag markaas markaan arkay sida nidaamku yahay iyo dacwadaha mindi roortaynta dhex cararaysa iyo xukunada siyaasadaysan ee ka soo baxaaya maxkamadii, garsoorka iyo siyaasadu haday isku milmaan sharcigu ma shaqaynaayo markaas way isku milmeen, markaas waxaan ku da’’daalay oo aan in badan ka qaylinaayay inay wax is badalaan, markaas markaan arkay waxan aan ka qalinayno in aanay rabitaan siyaasi ah u lahayn in waxan hadh iyo habeen dhacaaya aanay joojinayan waxaan go’aansaday inaan iska nasto oo shaqooyin kale aan iska qabto, joojina maayo ku shaqaynta sharciga ee waxaan joojinayaa ka doodistii maxkamadaa.”

Garyaqaankan ayaa tilmaamay in xayndaabkii sharciga layskala baxay“ Waxaan mihnadan u joojiyay maaha nin necbaysi iyo nin jeclaysi iyo dano gaar ah ee ay tahay in Somaliland layskala baxay xayndaabkii sharciga, waa dad garoonkii kubada lagu ciyaarayay iskala baxay oo banaanka is aryanaaya.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here