Wacyigalin La Xidhiidha Khatarta Jidka Berbera Iyo Kala-baydh Oo Hargeysa Laga Daahfuray

0
629

Hargeysa(Geeska)-Waxa magaalada Hargeysa furitaan loogu sameeyay wacyigalinta badbaadada wadada Kala-baydh iyo Berbera, waxaanay wacyigalintani ay noqonaysaa mid awooda saaraysa in laga feejignaado khatarta ay dadka iyo gaadiidka ay wataan ay ku keeni karaan guud ahaan wadooyinka wanaagsan ee la dhisayo.

Waxa wacyigalintan iska kaashanaaya inay gaadho guud ahaan dalka haayada Y-PEER iyo  wasaarada horumarinta gaadiidka ee Somaliland waxaana dhanka dhaqaalaha ka taageeray haayada GIZ iyo Midowga Yurub, waxaana furitaanka wacyigalintan ka soo xaadiray masuulyiin dawlada ka socda, shacabka, oday dhaqameed iyo dad kala duwan.

Ugu horayntiiba waxa halkaas lagu soo bandhigay riwaayad wacyigalin ah oo taabanaysa khatarta wadada Berbera  iyo Hargeysa ay yeelan karto ee ay tahay in laga feejignaado, waxaana wadadaas haatan ku soo kordhay in dhismaheeda aad casri looga dhigay taas oo sababi karta in gaadiid badan ku socdaan xawaare sare oo khasaare  badan sababi kara.

Maxamed Mahad Dhamac agaasimaha haayada Y-PEER ayaa ugu horayntii sharaxaad ka bixiyay wacyigalintan ay furayeen ” Wacyigalintan fariinteedu markay baxdo kuma koobana wadadaas uune wadooyinkeena kalena waa ay khusaysaa waana mid loo baahan yahay inaan aqbalno, sida oo kale waxa uu mashruucani qaban doonaa hawlo dhawr ah oo ay ka mid yihiin isku imaatino ay ka mid tahay sidan aan u joogno maanta Maansoor, markaas in la soo gudbiyo riwaayad ka hadlaysa badbaada’da  dad iyo xoolaba.”

Masuul sare oo u hadlay haayada GIZ ayaa sheegay inay afartii sano ee ugu danbaysay ay xooga saarayeen sidii loo wanajin lahaa isku xidhka jidadka Somaliland.

Maareeyaha haayada wadooyinka Axmed Yuusuf Maxamed ayaa dadka uga digay inay dadku nafahooda ku da’daalaan inay ilaashadaan    “Aan nafaheena wadooyinkeena iyo gaadiidkeena intaba ilaashano inta badan geeriyo xanuun badan oo qoys iska dhan ay hal meel ku geeriyoodeen waa wax dhici kara, qoysku inuu is raaco oo wada dalxiiso oo meelaha quruxda badan tago waa lagama maarmaan in la wada dhintaana waa dhibteeda, waxbaynu isku hagaajisanaynaa ee badbaado aaynu alle ka filaynaaye.”

Agaasimaha guud ee wasaarada ciyaaraha Maxamed Siciid Cabdilaahi Khaawi iyo agaasimaha guud ee wasaarada horumarinta jidadka Cumar Sayid Cabdilaahi iyo badhasaab ku xigeenka gobala Marodi Jeex Khadar Baaruud  ayaa dhankooda wacyigalintan ku tilmaamay mid loo baahnaa waxaanay ka digeen in khatarta ay  gadiidka jidadka isticmaalayaa ay keeni karaan.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here