Madaxweyne Biixi Oo Sheegay In Somaliland Horumar Balaadhan Gaadhay 28 Sannadood Oo Ay Jirtay

0
1496

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi ayaa ammaanay halka ay Somaliland gaadhay 28 sannadood oo ay ahayd dal soo ceshaday xorriyadiisii.

Madaxweyne Biixi oo ay muuqala kooban ka duubtay Somaliland Now, oo la soo celiyay baraha bulshada ayaa wuxuu hadalkiisa ku bilaabay “1991 iyada oo ay magaalo oo dhami dunsantahay oo guri walba ay lafihii lagaga tagay yaalaan, magaalooyinka oo dhan Somaliland oo aan lahayn xarumo boolis laba saddex mooyaane ayaa la soo galay iyada oo qaxoonti la wada yahay oo la siman yahay, waxaana laga bilaabay in laga soo dhiso halkii ugu hoosaysay.”

“waxaad eegtaa qofka dhashay 28 sanadood ka hor maanta reer buu leeyahay dadkuu waxtarayaa ilmayar maaha, markaas Somaliland 28 kaas sanadood dawlad ahaan sidaas oo kale ayay u kortay maanta, waxaanu maraynaa inaanu nahay dawlad kolka ugu horaysa aan is leeyahay waa ugu tayo badantihiin marka loo eego kuwii aanu isku itaalka ahayn nabadgalyo ahaan ayaanu ugu horaynaa waa dawlad kala danbayn leh haayadiibaa dhisan, ciidankii baa  jira booliskiibaa jira shacbiga ganacsigoodu waxa uu marayaa meel geeska Afrikaba ugu horaysa, hadaad xaga is gaadhsiinta, sarifka lacagta, shaqaalaynta waanu ka horaynaa dawlado badan oo la ictiraafsan yahay.”

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here