Garsoore Inta Uu Rasaas Ku Dilay Muwaadin Muran Sahlani Dhex Maray, Isku Dayey In Uu Baxsado

0
551

Qaahira (Geeska)- Booliiska magaalada Qaahira ee dalka Masar ayaa 20kii Bishii Diisambar ee ina dhaaftay xabsiga u taxaabay garsoore maxkamadeed oo rasaas ku dilay muwaadin dalkaa u dhashay oo shaqaale ah, kadib markii uu muran ku dhex maray hab-samo socodka gaadiidka ee mid ka mid ah shaaracyada Qaahira. Sida ay sheegeen dad goob joog ahi, dilkani waxa uu dhacay markii, garsoore ka tirsan maxkamadda Koonfurta Qaahira oo magaciisa loo soo gaabiyey M. F isaga oo maraya mid ka mid ah waddooyinka Qaahira uu khilaaf dhex maray nin shaqaale ah oo isna magaciisa loo soo gaabiyey M. C oo watay mooto kadib markii ay isku af-dhaafeen kooda xaq u leh in uu hor maro jidkaas.

Muran yar kadib ayaa uu M. C isku dayey in uu ka horreeyo garsooraha, laakiin garsooruhu waxa uu la soo baxay baastooladdiisii gaarka ahayd markaasuu xabbad rasaas ah madaxa kaga dhuftay muwaadinkan oo markii cisbitaalka la geeyey u geeriyooday dhawaaca xabaddaas. Dadka goob joogga ahaa ayaa warbaahinta u sheegay in garsooruhu markii uu ninkan dilay isku dayey in uu baxsado, laakiin dadkii shaaraca marayey ayaa markiiba baacsaday oo ku guulaystay in ay qabtaan. Dadka oo aad u cadhaysan ayaa ku sigtay in ay ninkan gacantooda ku dilaan, laakiin markii uu u sheegay in uu garsoore yahay ayaa ay iska daayeen una dhiibeen booliiska.