Garsoore Ciyaar Kubaddeed Dhex-dhexaadinayey Oo Oohin Miciinsaday Markii Taageerayaal Ay Hooyadii Aflagaadeeyeen

0
596

gggggggggggggggggggggggggggTunis (Geeska)- Waa ay dhacdaa in garsoore ciyaar kubadda cagta ah dhex-dhexaadinayaa uu cadhoodo ama inta uu qaldamo uu go’aan adag iska qaato, laakiin in garsoore uu ooyo, oo isaga oo ilmanaya uu ka baxo ciyaarta ayaa ah arrin aan hore u dhicin ama ugu yaraan aan hore looga daawan shaashadaha talefishannada.

Yaasiin Xarushi oo ah garoore caan ka ah dalka Tuuniisiya ayaa mar uu Khamiistii 24kii Diisambar 2015ka dhex-dhexaadinayey ciyaar kubadda cagta ah oo u dhexeysay laba kooxood oo dalkaa ka dhisan waxa uu mar keliya uu dhex istaagay garoonka ciyaartu ka socotay, isaga oo dhegeysanaya ereyo aflagaado u badnaa oo kaga imanayey taageerayaasha ciyaarta daawanayey, kadib ilbidhiqsiyo gudahood ayaa la arkay isaga oo ooyaya, waxa aanu go’aansaday in uu dhex-dhexaadinta ciyaartan halkaas ku joojiyo.

Bilowgii hore dad badan Ayaan aad u garan sababta ka oohisay, garsooraha oo ay ciyaaryahannadii labada kooxood aamusiin iyo maslaxaad ku bilaabeen, laakiin cabbaar kadib waxaa caddaatay in ereyada ay taageerayaashu ku dhawaaqayeen ay ahaayeen cay iyo aflagaaddo ay u jeedinayeen garsooraha hooyadii, kaidb markii ay saluugeen sida uu ciyaarta u maamulayey.