Guul Diblomaasiyadeed: Booqashada Madaxweyne Cirro Ee Israa’iil Oo Indhaha Caalamka Soo Jiidatay

0
471

JERUSALEM(Geeska) — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta oo Axad ah si rasmi ah uga degay dalka Israa’iil, isaga oo bilaabay booqasho taariikhi ah oo qaadan doonta muddo 5 maalmood ah. Booqashadan ayaa noqonaysa tii ugu horraysay ee nooceeda ah ee Hoggaamiye ka socda Somaliland uu ku tago dalkaas tan iyo markii Israa’iil ay noqotay dalkii ugu horreeyay ee xubin ka ah Qaramada Midoobay ee aqoonsada madaxbannaanida Somaliland bishii Diisambar ee la soo dhaafay.

Madaxweyne Cirro wuxuu noqday madaxweynihii 5-aad ee

Muslim ah oo booqasho rasmi ah ku taga dalka Israa’iil.

Soo Dhoweyn Heersare Ah iyo Fariimo Af-Soomaali Ku Qoran

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa si diiran loogu soo dhoweeyay Aqalka Madaxtooyada ee magaalada Jerusalem, halkaas oo uu si fool-ka-fool ah ula kulmay dhiggiisa dalka Israa’iil, President Isaac Herzog. Intii ay socotay xafladda rasmiga ah, markii ugu horraysay waxaa fagaaro caalami ah si wadajir ah looga taagay astaanta calanka iyo muusigga astaanka qaranka ee Somaliland.

Madaxweynaha Israa’iil, Isaac Herzog, ayaa barahiisa bulshada ku daabacay qoraal isugu jira af Ingiriisi iyo Af-Soomaali oo uu ku yidhi:

“Ku soo dhawoow Israa’iil, Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro.”

Herzog ayaa intaas ku daray in booqashadani ay marag u tahay dhiirranaanta labada dhinac iyo fursadaha waaweyn ee iskaashi ee u dhexeeya labada dal, gaar ahaan dhisidda mustaqbal ku salaysan saaxiibtinimo dhab ah.

“Israa’iil Ayaa Ugu Horrayn Ka Jawaabtay”

Madaxweyne Cirro oo dareenkiisa ku aaddan booqashadan ku baahiyey barta X (horey loogu oran jiray Twitter), ayaa ku tilmaamay safarkan mid xambaarsan rajada iyo himilooyinka shacabka Somaliland.

Xigashada Madaxweyne Cirro:

“Muddo 35 sano ah, shacabka Somaliland waxay dhiseen qaran nabdoon, dimuqraadi ah, oo adkaysi badan. Waxaan dunida weydiinaynay: Ma aragtaan? Israa’iil ayaa ugu horrayn ka jawaabtay,”

Ajandaha Shanta Maalmood ee Booqashada

Sida ay xaqiijiyeen diblomaasiyiinta wehelisa waftiga Madaxweynaha, booqashadan ma aha oo kaliya mid astaan u ah xidhiidhka dhashay, balse waxay xambaarsan tahay qodobo waawayn oo fulis ah:

Furitaanka Safaaradda:

Madaxweyne Cirro ayaa si rasmi ah xadhigga uga jari doona dhismaha Safaradda cusub ee Somaliland ay ku yeelan doonto magaalada Jerusalem.

Kulamada Hoggaanka Sare:

Waxaa qorshaysan inuu kulamo gaar ah la yeesho Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu, Wasiirka Arrimaha Dibadda Gideon Sa’ar, iyo madaxda difaaca dalkaas.

Kulanka Maalgeliyayaasha:

Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu la kulmo in ka badan 200 oo ganacsato iyo maalgashatada reer Israa’iil ah, si looga wada hadlo mashaariicda biyaha, beeraha casriga ah, iyo tamarta dib u cusboonaata.

Saamaynta Gobolka iyo Dareenka Caalamiga Ah

Booqashadan taariikhiga ah ayaa soo jiidatay indhaha falanqeeyayaasha caalamiga ah. Sida ay qortay warbaahinta Middle East Eye, iskaashigan cusub wuxuu Israa’iil siinayaa joogitaan istiraatiiji ah oo u dhow marinnada muhiimka ah ee badda Gobolka Geeska Afrika), halka Somaliland ay u tahay guul weyn oo dhanka raadinta aqoonsiga  ah