Digniin caafimaad oo ku waajahan dadka Qaba cudurka macaanka ee soomaya bisha Ramadaan:Diyaariye: Kamaal Axmed Cali.

0
779

kamaalDaaraasad caafimaad oo ku saabsan cudurka macaanka ayaa shaaca ka qaadday in is beddelka dhinaca cuntada ee xilliga bisha Ramadaan uu khatar ku yahay caafimaadka dadka macaanka qaba, gaar ahaan dadka qaba macaanka noociisa labaad ee qaata daawada JANUVIA. Daraasaddan oo lagu tilmaamay nooceeda tii ugu horreysay ee laga sameeyey bariga dhexe waxa ay sheegtay in wacyi la’aanta iyo aqoon darro qofka macaanka qaba haysaa ay sababi karto khataro dhinaca caafimaadka ah oo soo waajaha xilliga soonka.

 

Daraasaddu waxa ay ku talisay in dadka macaanka qaba ee xilliga Ramadaanka soomayaa ay qasab tahay in ay si joogto ah u hubiyaan heerka macaanka dhiiggoodu marayo inta lagu gudo jiro soonka, xataa haddii ay keensanayso in uu maalintii dhowr jeer is cabbiro. Dr. Waa’il Al-qaasim oo agaasime guud ah shirkadda MSD ee daraasaadka in daraasaddani muujinayso in hoos u dhac ku yimaadda macaanka dhiiggu uu halis ku yahay nolosha qofka macaanka qaba, hoos u dhacaa macaanka oo inta badan ku dhaca dadka macaanka qaba ee bisha Ramadaan sooma. Dr. Waa’il waxa uu tilmaamay in dalka Sucuudiga sannad kasta ay ku dhintaan 15 kun oo ruux oo uu galaafto cudurka macaanka iyo xaaladaha caafimaad ee ka dhasha. Daraasaddu waxa ay sheegtay in 50 milyan oo qof oo dunida macaanka qaba oo boqolkiiba 79 ka mid ahi ay qabaan macaanka nooca labaad ay ku adkaystaan in ay soomaan xilliga Ramadaanta,  iyaga oo aan dhegeysan talooyinka dhakhtarkooda, taasina ay marar badan khatar ku noqoto noloshooda.

Ugu dambayntii daraasaddani waxa ay si aad ah ugu talinaysaa in qofka macaanka qaba ee ku adkaysanaya in uu soomo bisha Ramadaan ay la gudboon tahay, ka hor inta aanu go’aansan in uu soomo, inuu si adag ula tashado dhakhtarka xaalka macaankiisa la socday ama ugu yaraan dhakhtar takhasus ah oo si fiican uga warramo xaalkiisa iyo daawooyinka uu qaato.