Ganacsato Reer Djibouti Ah Oo Lacag Ugu Deeqday Dib U Dhiska Madaarka Burco

0
555

Burco(Geeska)-Xildhibaan Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan), oo ka mid ah golaha wakiilada ayaa guddiga dib u dhiska madaarka Burco shalay ku wareejiyay lacag dhan $ 62,927 (Laba iyo lixdan kun, sagaal boqol iyo labaatan iyo toddoba dollar), oo ay ganacsatada reer Djibouti ugu deeqeen dib u dhiska madaarkaas.

Xildhibaan Cali, oo shalay guddigaas oo ku sugan Burco ku wareejiyay, ayaa sheegay inay deeqdaas soo bixiyeen 19 ganacsade oo reer Djibouti ahi, waxase uu sheegay inay miisaanka lacagtaas bixiyeen laba ganacsade oo kala ah Axmed Cismaan Geele oo ah guddoomiyaha shirkadda SBI iyo Maxamed Aw Siciid oo isna ah guddoomiyaha shirkadda SOMCABLE, waxaanu u mahadceliyay dhammaan ganacsatada lacagta soo bixisay.

Sidoo kale guddiga dib u dhiska madaarka Burco oo iyaguna halkaas ka hadlay ayaa u mahadceliyay ganacsatada lacagta soo dhiibtay iyo xildhibaanada labada ah Cali Xasan Maxamed iyo Maxamed Yuusuf Waabeeye oo qayb muhiim ah ka qaata dib u dhiska madaarka Burco.