Ganacsade Muuse Dalab Oo Beeniyay In La Qaybiyay Saamiga Wershadda Sibidhka Berbera

0
550

 

Picture6Hargeysa( Geeska )- Gudoomiyaha gudida Dan iyo Duco Muuse Xirsi Abokor ( Muuse Dalab ), ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in la qaybiyay saamiga warshadii sibidhka ee Berbera. Waxaanu war aan jirin ku tilaamay warar warbaahinta qaarkeed ay baahisay.

Gudoomiye Muuse Dalab waxa uu sheegay in aan wax saami ah warshadaas laga siin isaga iyo shirkada Dahabshiil midna balse ay wali arinteedu ku maqantahay gacanta xukuumada oo aanu wax go’aan ah ka soo baxin.

Gudoomiye Muuse Dalab war murtiyeed uu arintan kaga hadlaayay oo uu wargayska Geeska Afrika soo gaadhsiiyay waxa uu ku yidhi “ Waxaan halkan ku cadaynayaa in aanay waxba ka jirin warka uu baahiyey wargeyska Hubaal ee lagu qoray cadadkiisa 194 kana hadlaayay warshada sibidhka ee Berbera. Waxaan u sheegaynaa una cadynaynaa dadweynaha reer Somaliland oo dhan in aan waxba ka jirin warkaas isaga ah, oo uu yahay been sal iyo raad toona lahayn, wargayska laftigiisa ayaana is beeniyay ka dib marka uu sheegay in aanu jirin wax war ah oo ka soo baxay dhinaca xukuumada oo uu ku sheegay inay tahay ta wax qaybisay.

 Habayaraatee ma jirto wax la yidhaahdo Dahabshiil iyo Muuse Dalab oo gaar wax u doontay, balse waxa jira shirkad la yidhaahdo Berbera Cement Factory oo ka kooban 50 ganacsade oo reer Somaliland ah, oo toddaba sano ka shaqaynaayay warshada daraasadeeda iyo hawsheeda iyo shirkad kale oo la yidhaahdo Saaxi Cement Factory oo iyaduna muddo ku hawlanayd warshadaas nin reer Kuwait ahi leeyahay oo  iyaduna soo doonatay in ay wax ka maalgashato warshadaas, waana ninka labada Airport ee Berbera iyo Hargeysa ee malaayiinka ku kacay bixiyay. Hasayeeshee ma jiraan wax go’aan ah oo wali laga gaadhay dawlada ayaanay gacanteeda ku jirtaa, habayaraate  ma jirto wax hebel habel la yidhaahdo gaar u doonaya waxna loo siiyay. Isagaana og wargaysku halka uu ka keenay shaqsiyaadka wax la siiyay  laga rabaa cadayntooda.”