Ganacsade Cumar Qoobnaaje OO Dib U Celiyay Lacagtii Shuraako Ku Maalgelisay Ganacsigiisa

0
910

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha Qalax Bee-keeping Center Cumar Xuseen Qoobnaaje, oo ah qofkii ugu horeeyey ee loo maalgaliyo mashruuca Shinada, oo loogu maalgaliyey lacag dhan  boqol kun oo doolar, ayaa sheegay in lacagtaas la siiyey ee ahayd maalgelinta inuu dib u caliyey.

Guddoomiyaha Qalax Bee-keeping Center Cumar Xuseen Qoobnaaje, ayaa isagoo arintan ka hadlaya wuxuu yidhi “Waxaan u mahadnaqayaa maalgaliyayaasha Mareykanka ah ee igu maalgaliyey lacag aan ribo lahayn oo aan ku sameeyo Mashruuca Shinada, oo hadda laga joogo muddo lix sanno ah, sida aan ku heshiinayna lacagta iyo warbixintaba sidaan ku heshiinay ayaan ku bixinayey, waxaan ahaa qofkii ugu horeeyey ee Somaliland iyo Somaliya ee lacag la siiyey, lacagtaas oo ah boqol kun oo dollar, oo aan ku bixiyey wakhtigii loogu talagalay oo ah muddo lix sanno ah”.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Mansoor Hotel ayaa la igu gudoonsiyey Shahaado aan ku mutaystay dadaalkayga oo ah in aan lacagtii bixiyey, oo aan waxba la igu lahayn, waxaana la igu balanqaaday in lacagtaas iyo lacag ka badanba la I siiyo, waxaana shahaahada I siiyey Sarkaalka ugu sareeya Hay’adda Shuraako, markaas waxaan leeyahay dadka kale ee reer Somaliland ee iyana la maalgeliyo ha igu daydaan, oo dadaalkan sameeyey oo kale ha sameeyaan”