Madax-Dhaqameed Ka Hadlay Dadkii Lagu Laayey Hawaday, Codsiyana U Diray Madaxweynaha Kililka 5aad

0
975

Hargeysa (Geeska)-Madax-dhaqameed, Salaadiin, Cuqaal iyo Wax-garad ka soo jeeda Somaliland iyo Beesha Jaarso, ayaa ka hadlay dadkii Somalida ah ee lagu laayey Hawaday, waxayna si gaar ah ugu mahadnaqeen doorka ay Somaliland iyo Dawlad Deegaanka Somalida Itoobiya uga qayb qaateen inay xaalada dajiyaan, oo cid ka soo jeeda Qoomiyada Oromada ee ku nool aan wax dhib ah  loo geysan.

Madax-dhaqameedka iyo Salaadiintan oo shalay kulan ku yeeshay Magaalada Hargeysa, iyadoo kulankaas uu soo qaban-qaabiyey Caaqilka Beesha Jaarso, ayaa waxay kale oo ay baaq u direen Madaxweynaha Kilinka Shanaad, oo ay ugu baaqeen inuu xayirada ka qaado City Crown Hotel, oo ku yaala Magaalada Jig-jiga, Ugaas Cabdirisaaq Koosaar Cali, oo isagu ugu horeyn halkaas ka hadlay ayaa Xukuumadda Somaliland uga mahadnaqay qaabka ay u sugtay nabadgalyada dadka degan dalka ee Qoomiyada Oromada, waxaanu Bulshada reer Somaliland iyana ku amaanaya sida aanay wax dhib ah u soo gaadhsiin dadka Oromada ah ee dalka degan, waxaanu sidoo kale amaan balaadhan u soo jeediyey Dawlad Deegaanka Somalida Itoobiya, oo uu ku amaanaya sida ay u xaliyeen xaaladii kacsanayd, waxaanu si gaar ah ugu mahadnaqay Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Somalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar oo uu sheegay inuu horumar aad u balaadhan u horseeday deegaanka, oo uu dhisay, isla markaana uu ku dhiirigeliyey qurba jooga u dhashay dawlad deeganaka Somalida Itoobiya inay mashaariic horumarineed ay ka sameeyaan Deegaanka, sidaas wuxuu ka codsaday in Ganacstada hantidoodii ama ganacsigoodii laga xayiray inuu u sii daayo, madaama ay horumarka deeganka ay qayb ka yihiin, si loogu soo hirto.

Guddoomiyaha Cuqaasha Gobolka Maroodijeex Xuseen Colaad Jaamac iyo Chief Caaqil Maxamuud Siciid Muuse, oo iyana halkaas ka hadlay ayaa Labada Deegaan ee Kilinka afaraad ee oromada iyo kilanka shanaad ee Somalida labadooda madaxweyne ugu baaqay inay sida ugu dhakhsaha badan u dhameeyaan dhibaatadan dhacday, waxayna Madaxweynaha Kilinka Shanaad ugu mahadnaqeen sida uu xaalada u dejiyey, waxayna ka codsadeen in Hudheelka lagu magacaabo City Crown Hotel, ee ku yaala Magaalada Jig-jiga ee la xayiray inuu xayirada ka qaado,si uu ganacsigiisi iskaga sii wato, waxa kale oo ay Somaliland ku amaaneen qaabka ay u waajahday dhibaatada ka dhacday Haawaday, ee aan cid ka soo jeeda Qoomiyada Oromada oo dalka joogta aan waxba loogu yeelin.

Suldaan Siciid Jaamac Hadhiye iyo Caaqil Dayib Ibraahim, ayaa iyana sidoo kale ka hadlay dadkan lagu laayey Hawaday, waxayna ALLE uga baryeen inuu janadii ka waraabiyo, waxayna labada labada Kilin ee Oromada iyo Somalida labadooda Madaxweyne ugu baaqeen in sida ugu dhakhsaha badan u xaliyaan dhibaatadan dhacday, ee dalka lagu laayey, waxayna xuseen in aan sinaba loo kala maarmi karin, waxay kale oo ay si gaar ah baaq codsiya ugu direen Madaxweynaha Kilinka Shanaad, oo ay ugu baaqeen in xayiraada laga qaado City Crown Hotel oo ku yaala Magaalada Jig-jiga.

Caaqil Abiib Xasan Libaax, Suldaan Haruun Sheekh Muxumed iyo Oday Cabdi Xasan Muxumed, ayaa iyana dhankooda sheegay in dhibaatadan dhacday ee lagu laayey dadka, inay sameeysay Somalida, waxayna sidoo kale labada qoomiyadood ee Oromada iyo Somalida yihiin laba qoomiyadood oo aana kala maarmin, labadooda madaxweynena looga baahan yahay inay heshiyaan, waxayna sidoo kale sheegeen in Madaxweynaha kilinka Shanaad ee Somalida Itoobiya inuu horumar aad u balaadhan u horseeday deegaankaas, isla markaana uu qurba jooga ku dhiirigeliyey inay deegaankooda iyo dalkooda dhistaan, sidaas oo ay tahayna qurba joogta Jaarsadu inay qayb ka yihiin horumarka iyo bilic wanaaga deegaankaas, sidaas oo ay tahay waxay ka codsadeen inuu xayiraada ka qaado City Crown Hotel, oo ay sheegeen inuu ka mid yahay Hoteelada ugu casrisan Deegankaas, Ganacsiga dalkana uu ka qayb qaato, waxaanu xuseen in haddii uu sidaas u xayirnaado, in aan lagu soo hiran doonin mashaariicdii horumarineed ee laga waday deegaankaas.