Shirkii Ay Qabanqaabisay Haayada Shuraako Ee Dhiirigalinta Ganacsiga Somaliland Oo La Soo Gunaanaday

0
960

Hargaysa(Geeska)-Shir lagu faaqidayay maal-gashi ganacsi ee laga samayn karo Somaliland oo labadii maalmood ee ugu danbeeyay ka socday Hargeysa ayaa lasoo gaba-gabeeyay waxaana diirada lagu saaray fursadaha ganacsi ee ka banaan Somaliland.

Shirkan oo ay soo qaban-qaabisay haay’adda Shuraako iyo wasaarada ganacsiga Somaliland ayaa lagu faaqiday meelaha ay muhiimka tahay ee Somaliland laga caawin karo lagana heli karo in lagu sameeyo maal-gaashiyo.

Agaasimaha haay’adda One Earth Iyo Cabdi Kariin Jirde Goole Agaasimaha haaya’adda Shuraako ayaa ka hadlay Waxyaalihii shirkaasi lagaga wada hadlay mudadii uu soconayay oo ahayd mudo laba cisho ah iyo wax yaalihii Diirada lagu saaray.

Ugu horayn agaasime haay’adda Shuraako Cabdi kariin Jirde Goole ayaa sharaxay waxa kulankaasi laga faa’iday mudadii uu socday iyo wixii lagu soo bandhigay  “Shirkan ujeedadiisu waxa ay ahayd in la tuso caalamka in ay Somaliland tahay mid u furan maal-gashi diyaarna u tahay in lagu sameeyo maal-gashi caalami ah ,shuraakana waxa ay maal-gashi ka samaysay Somaliland markaas maal-gashi aanu samaynayna wuu najaxay, ujeedka ugu wayn ee aanu ka lahayna waxa uu ahaa in lasameeyo shaqo abuur si ay ganacsigu u kobcaan oo horumarkaasina uga qayb qaato kor u kac uu dalku ku socdo. markaas shirkan ujeedadiisa ugu wayni waxa ay ahayd in laga wado hadlo fursadaha ka banaan ee ganacsi iyo maal-gashi sidii xal loogu heli lahaa fursadaha maal-gashi ee dalkan ka jira,shirkan waxa furtay Dr.Aamina Xirsi Mooge oo ah ganacsade wayn oo reer Somaliland ah dagana dalka Uganda,waxaana ay aad iyo aad uga hadashay fursadaha maal-gashi ee ay ka samaysay waddanka Uganda ee xagan Somalilandna laga samayn karo iyo waliba sidii ay u bilawday ganacsigeeda maanta gaadhay horumarka.”

Geesta kale madaxwaynaha Haay’adda One Earth Future Larry Sampler ayaa isna geestii sheegay in Somaliland laga heli karo goob muhiim oo waliba lagu sameeyo maal-gashi caalami ah oo taabo qaad noqdo “Somaliland diyaar ayay u tahay in lagu sameeyo maal-gashi caalami ah waxaana laga heli karaa goob muhiim oo waliba lagu samayn karo ganacsi taabo qaad Noqda.”

Haayada Shuraako ayaa ah qayb ka mid ah One Earth Future oo haatan uu hogaamiyo ama madaxweyne ka yahay masuulka shirkan goob jooga ka ahaa ee Larry Sampler.