Midowga Yurub Oo Furay Mashruuc Lagu Horumarinayo Khayraadka Kalluunka Soomaalida

0
582

Picture4Hargeysa (Geeska) –Waxa magaalada Hargeysa lagu daah furay mashruuca wax soo saarka Kalluunka oo ay ku baxayso aduun dhan 5 Million Euro, kaas Midowga Yurub iyo Oxfam hirgelinayaan, fulinteeda ay leeyihiin wasaarada kalluumaysiga iyo Hay’adda wadaniga ah ee Havoyoco.

Kulanka lagu daah furay horumarinta khayraadka Kallunka oo ka dhacay Hotel Ambassador waxaa ka soo qayb galay wasiirka Kallumaysiga iyo khayraadka Badda, wasiirka beeraha, saarkiil ka socota Oxfam iyo Midgowga Yurub. Kullanka waxaa ugu horayn furay Cabdisalaan Ibraahim Hereri oo dhamaan uga mahadnaqay ka soo qayb galayaasha siday u soo ajiibeen, isaga oo hordhac ka bixiyey halka ay kala taagan yihiin Soomaalida iyo Kalluunku. Warbaahinta iyo ka soo qayb galayaasha kullankan ayaa loo qaybiyey war-saxaafadeed lagu faahfaahiyey mashruuca 5 Million Euro ee loogu tala galay horumarinta Kalluumaysatada Somaliland iyo Puntland, waxaanu lagu yidhi:-

“Maanta, Midowga Yurub iyo Oxfam waxay daah-fureen barnaamij soconaaya saddex sano oo sare loogu qaadaayo laguna kaabaayo wax soo saarka kalluunka Soomaalida. Mashruuca maanta la bilaabay wuxuu ka mid yahay barnaamij 5 Milyan Euro ah oo laga hirgelin doono Somaliland iyo Puntland. Hadii lagu guulaystana waxa la gaadhiin doonaa gobolada kale ee Soomaalida.

Biyaha badda Soomaalidu waxay ka mid yihiin kuwa ugu qanisan goobaha kallumaysiga ee Afrika. Iyada oo ay jirto awooda baaxad wayn oo kalluumaysiga ah iyo horumarinta dhulka xeebaha ah. Haddana waxa jirta in waaxda kalluumaysigu aanay horumarsanayn taasi oo ay keentay iyada oo aanay kalluumaystadu lahayn xirfaddo si ay guddaha badda ugu galaan waxaa ka maqan sida iyaga oo aan haysanin (Doonyo iyo qalab kallumaysi) iyad oo aanay jirin shuruuc maamusha. Barnaamijkan qaybta u gaarka ah Somaliland oo maanta la bilaabay ayaa waxa fulinaaya Hay’dda Oxfarm iyo ururka maxaliga ah ee Havoyoco iyaga oo la shaqaynaaya wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka Badda ayaa waxay sare u qaadayaan awooda farsamo ee wasaaradda, waxaanay horumarinayaan farsamada technologyada ee kallumaysatada, samaynta nidaam lagu bixiyo liisanka iyo ilaalinta heerarka tayada, abuurka nidaam lagu wadaagayo xogta suuqa, inuu bixiyo macluumaad ku saabsan faa’iidooyinka caafimaad ee kalluunka iyo in la sameeyo qiimayn lagu samaynaayo deegaanada xeebta ah.”

Warsaxafadeedku wuxuu intaas raaciyay  “Mashruucani wuxuu ka qayb qaadanayaa horumarinta waaxda kallumaysiga wuxuuna taageerayaa awooda farsamo ee wasaaradda iyo dhamaan waaxda kallumaysiga. Waxaa sidaas yidhi Cali Jaamac oo ah wasiirka wasaaradda Kallumaysiga iyo khayraadka Badda. Waanu la shaqaynaynaa Midawga Yurub, Oxfam iyo shurraakada si uu si fican ugu fulo mashruucani. waxaa jira fursado waawayn oo kallumaysi oo aan laga faa’idaysan taasi oo keeni karta faa’iidooyin dhaqaale oo muhiim u ah dhulka xeebaha, waxaa sharaxay safiirka Midawga Yurub Michele Cervone d’IUrso. Waanu ku faraxsanahay inaan taageerno qorshaha wakhtigan kaasi oo quudinaaya qoysas, wax ka bedelaya hab-nololeedka bulshooyinka xeebaha, samaynaya fursado shaqo, kobcinaya wax-soo saarka kalluunka iyo dhoofintiisa, iyo inuu noqdo meel muhiim ah oo dakhli ka soo galo Soomaalida.”

Isagoo warsaxaafadeedku sii sharaxaya mashruucan wuxuu yidhi  “horumarinta xirdaha kallumaysiga, habka la soo saaro, iyo suuq-gaynta kallunka ayaa waxay ku adag tahay hab nololeedka dad badan oo xeebaha kuk nool.” Waxaa sidaas yidhi Enzo Vecchio, agaasimaha dalka ee Oxfam.

Mudada dheer barnaamijkani wuxuu u adeegayaa inuu dhiso adkaysiga bulshooyinka xeebaha ku nool. mashruucani wuxuu horumarinayaa nolosha dadka kallumaysada ah iyo qoysaskooda sidoo kalena ta bulshada guud iyada oo loo fududaynaayo helitaanka kalluunka iyo wax-soo saarka badda. Sidoo kale waxay ka caawinaysaa dawlada sidii ay isugu dheelitiri lahayd fududaynta iyo hagida waaxda kalluumaysiga, Si loo hibiyo in la sameeyo kalluumaysi la isku halayn-karo oo jiilka mustaqblka ah” waxaa yidhi Cumar Cabdilaahi oo ah agaasimaha fulinta ee Havoyoco.”