Safarkaygii Rwanda iyo Goobtii Xusuusta ee Xasuuqii Rwanda

0
1080

Picture3Waxay ahayd 21kii May ee 2014ka markaan fursad u helay inaan booqdo goobta xusuusta loo tago xasuuqii ka dhacay Rwanda (Kigali Genocide Memorial) ee ku taala Magaaladda Kigali ee xarunta dalka Rwanda iyo Hotelka caan baxay ee Hotel Rwanda. Marka aad albaabka ugu horeeya ka soo gasho goobta xusuusta loo tago xasuuqii ka dhacay Rwanda waxaad arkaysaa qoraal far waayeyn lagu xardhay  oo leh “Genocide Never Again” oo ah Xasuuq mar dambe maya. 

Waxay ahayd waayo-aragnimo dareenkeeda leh sababta oo ah wax kasta oon meesha ku arkay waxay i dhex geeyeen wixii Rwanda ka dhacay 1994kii.  Waxyaalaha yaalay waxaa ka mid ahaa qayb ka mid ah qalfoofka madaxyadda dadkii la xasuuqay, sawiro tiro badan oo ahaa caruur iyo dumar oo dhamaantood la laayey, sawiro ka mid ah dadkii badbaaday, qalabkii wax lagu laayey oo isugu jiray baangayaal, faashash, budhadh, hub, iwm. Waxaad kaloo arkaysaa sawiradda dadkii wax laayey oo loo tababarayo siday wax u layn lahaayeen, iyagoo koox koox ah oo sita seefihii, baangayaashii iwm. Waxa kale ood arkayaa video clips laga duubay dadkii badbaaday, kuwii dadka laayey qaar ka mid ah oo dembigii qiranaya inta la hor keenay umadda oo sheegaya tirada dadkii ay laayeen, halku dhegyo tiro badan oo qalbiga taabanaya. Xabaalo wadareedyaddu waxay ku yaaliin meel kasta oo wadanka dhexdiisa ah. Wixii Rwanda ka dhacay 1994kii waxay ahayd dhacdo xanuun badan, murugo aan quluubta dadkii u soo joogay si fudud uga tirmi Karin, taariikh madow iyo waa baas oo ku habsaday ummaddii halkaa deganayd. Booqashadda goobta loo tago xasuuqii Rwanda waxay ku fahamsiinaysaa heerka ay gaadhi karto axmaqnimadda bini-aadamku marka ay lunto dadnimaddii, qiyamkii, akhlaaqdii iyo wixii la aaminsanaa intuba.

Waxa layaab lahayd oo meesha ku sawirnaa in ay jireen dad ilaa 2000 kun gaadhayey oo magan galay kaniisad si loo badbaadiyo, nasiib daro ninkii sheekha ka ahaa kaniisada ayaa bulldozer ku amray in dadkan meesha lagu dumiyo. Waxa meesha ku sawiran kaniisadii oo maydkii ka buuxo. Tani waxay ku tusay heerka uu xasuuqa gaadhsiisnaa iyo inaanay jirin cid gabi ahaanba rabtay inay badbaadiso qoladii la xasuuqayey. Wax iyana xusid mudan dad badan waxa laayey  jaarkoodii, saaxiibadood iyo kuwii u shaqaynayey. Waxaa igu maqaalo ah inay badbaadeen dadkii masaajidadda magan galay in kastoo aanan ku arag sawiradooda goobta xusuusta loo tago.

Qiyaas oo sawiro haddii dawladda, culimadda, waxgaradka iyo shacabka umaddi leedahay ku heshiiyaan inay xasuuqaan qayb ka mid ah dadkii ay wadanka ku wada noolaayeen, waxa kuu soo baxaya inay adag tahay cid badbaadaysa. Taasi waa sababta muddo boqol maalmood gudahood ah loogu dilay Rwanda tiro ku dhaw hal malyan oo qof. Xasuuqii Rwanda ka dhacay waxaa lagu tilmaamaa dhacdo ka mid ah dhacdooyinkii ugu foosha xumaa uguna murugadda badnaa qarnigii labaatanaad.

Waxa laakiin aad u yaab badan Rwanda iyo halka ay marayso maanta. Rwanda waxa u soo baxay hogaamiye aragti dheer leh (Visionary Leader) oo ka soo jeeda qabiilka la xasuuqay. Hogaamiye ka aragti dheer aargoosi, maal urursi, caadifad qabiil, shakhsi la ficiltan, musuqmaasuq iwm. Ninkan waa ninkii Rwandka ka joojiyey xasuuqii isagoo wata jabhadisii, laakiin markii awoodu gacanta u soo gashay muu samayn wixii isaga iyo qabiilkiisa lagu sameeyey.

Ma u malaynaysaa in Kigali ay maanta tahay caasimadda ugu nadiifta badan Afrika, marar hore oo badana ay ku guulaysatay tilmaantaa. Ma u malaynaysaa in wax musuqmaasuq (Corruption) ahi gebi ahaanba aanu ka jirin Rwanda iyada oo dadku ay foqoro yihiin shaqo la’aanina ay hayso in badan oo ka mid ah. Ma u malaynaysaa in online aad ku dalban kartid wax kasta markaad joogto Rwanda adigoo gurigaaga jooga. Ma u malaynaysaa in qof kasta oo muwaadin ahi uu ka baqayo in bishu 30 gaadho isagoo aan cashuurtii bixin isla markaa uu bilaabayo cashuur bixinta laga bilaabo 25ka bisha isagoo tegeya kuyuuga xafiisyadda dawlada ama online systemka. Ma u malaynaysaa in dadka Rwanda la soo baxaan waxay cunaan. Ma u malaynaysaa in dadku kuyuu u galaan basaska dadweynaha ee u kala goosha xaafadaha magaaladda halka ay ka gaadheen nidaam iyo ixtiraam, hadda waa dadkii shalay is xasuuqayey, laakiin hogaanka aragtida dheer awgii bay muddo gaaban halkaa ku gaadheen. Ma u malaynaysaa in qofka Rwandese ka ahi uu sheegto Rwandese haddii la weydiiyo qabiilkiisa. Ma u malaynaysaa in Rwanda ay hiigsanayso Chicago iyo Singapore marka la gaadho 2020ka. Sunaha nolosha waxa ka mid ah in la gaadho wixii la hiigsado hadii la bixiyo dadaalkii loo baahnaa, isla markaana lala yimaado rabitaan dhab ah. Waxa la yaabka Rwanda ka mid ah in wadanku gebi ahaan yahay buuraley, (Land of thousand hills) haddana wadooyinka laga sameeyey iyo beeraha laga fashay buuraha dushooda waa wax aad kuu dareen gelinaya markaad tahay shakhsi Somali ah oo ka yimi dhul looma oooyaan ah oo dadkiisu bi’iyeen, kana goblamay hogaamiyaasha lagu badhaadhay ee ummaddaha qaar u kacay. Markaad aragto halganka bini-aadamku ku jiro iyo halka aynu inagu marayno, waxaad xusuusanysaa maansaddii Abwaan Gaariye, Ilaahay naxariistii janno ha ka waraabiyo, ee uu lahaa;

Dal waxaan ku nool ahay

Sadexdii dalaaqood

Lagu furay dadnimaddii

(Gaariye)

Maqaalkan ku saabsan Rwanda iyo halkay ka timi iyo halka ay maanta marayso waxaan u arkay inay tusaale nool  u noqon karto dadka ku hadla afka Soomaaliga ee ka kori la’a ciilka, caadifadda iyo cuqdadda qabiilka. Dadka ku hadla afka Soomaaliga ee isa saamixi kari la’a, is aamini la’, ka xoroobi la’a siyaasiyiinta aragtida gaaban ee waxmatarayaasha ah isla markaana hor taagan dantii guud ee cid walba maslaxadu ugu jirtay. Siyaasiyiinta maan-gaabka ah ee mugdiga geliyey noloshii jiilal badan oo xaq u lahaa inay ku noolaadaan nolol karaamo iyo sharaf leh sida qayrkood aduunyadda ugu nool yihiin, isla markaana ka hagaasay garashaddii.

Rwanda waxay kaloo tusaale nool ku muujiyeen xikmaddaa qaaliga ah ee tidhaahda (forgive but don’t forget) oo ah saamax hase ilaabin. Xikmaddani waxay sheegay in wax la saamaxo lana cafiyo si hore loogu socdo, isla markaa aan la ilaabin taariikhda iyo wixii dhacay si wax looga barto, jiilasha soo socdana dhaxal fiican looga tago ee aan sun iyo waabay la dhaxalsiin. Hogaan xumiddu waa waxa qayrkeen inaga reebay, waana waxa inaga dhigay bar madaw iyo maahmaah xun oo bulshadda caalamku inagu tilmaansato. Waa wax laga xumaaddo in garaadka hogaamiyaasheenu uu dhaafi waayo waa markaygii iyo markii beeshayda, isla markaana aanay garaynayn masuuliyadda hogaanka ummadda ee jaahil kastaa u soo feytay. Abwaan Hadraawi oo sii saadaaliyey in aynu adduunyadda ka noqonayno buro dheeraada iyo tuko baal cad wuxuu lahaa;

Haddaan Bari ina qalayn

Haddaan Bogox (Galbeed) ina fantayn

Beelaa agaheena yaal

Haddaynaan buro ku noqon

Tukii baallaha caddaa

Adduunyaddu baadideenna

Bannaannadda ka xeroon.

 

Qalinkii

Mukhtar Haji Cabaydh (Ex name: Maxamed)

Mxcabaydh1@hotmail.com