Madaxweyne Siilaanyo Iyo Ku-xigeenkiisa Oo Qaatay Talaalka Dabaysha

1
610

Picture2Hargeysa (Geeska) – Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilanyo) iyo Marwadiisa ayaa shalay xarunta madaxtooyada ku qaatay dhibcihii u horreeyay ee Tallaalka dabaysha oo doorkan la siinayo dadka waaweyn iyo carruurtaba, ka dib markii sida la sheegay dalalka deriska lagu arkay dad waaweyn oo uu ku dhacay xanuunka dabayshu.

Tallaalka cudurka dabaysha oo maanta si rasmi ah uga bilaabmaya guud ahaan gobollada iyo degmooyinka dalka, ayaa loo sameeyay Munaasibad lagu shaaciyey bilowgiisa oo lagu qabtay Hargeysa waxa ka qayb-galay Wasiirro iyo masuuliyiin kale, kuwaasi oo laftoodu qaatay labada dhibcood ee lagaga hor tagayo cudurka dabaysha.

Madaxwayne Siilaanyo oo markii uu qaatay labada dhibcood ee talaalka dabaysha la hadlay warbaahinta ayaa yidhi “Talaalkan oo faa’iido u leh dadka iyo dalka aad ayey muhiim u tahay in la qaato, maadama uu caafimaadka dadka ahmiyad weyn u leh. Waxaan ku guubaabinayaa dadka uguna baaqayaa inay qaataan talaalkan. Waxaan ilaahay uga rajeynayaa inuu caafimaad inna wada siiyo, oo faa’iido iyo kheyr ka helo”

Munaasibadda Wasaaradda caafimaadku ku shaacisay bilowga talaalka cudurka dabaysha, oo ay sidoo kale daawada ku qaateen Wasiirro uu mid yahay Wasiirka Warfaafinta Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa waxa isaguna daawada ku qaatay halkaasi isla markaana ka hadlay Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex Maxamed Maxamuud (Jeeni-yare), waxaanu yidhi oo uu kula dardaarmay dadwaynaha “Anniga weligay la ima talaalin, hadii dadkii waaweynaa lagu daray waan soo dhoweynayaa” ayuu yidhi.

Wasiirka Caafimaadka Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye) ayaa sheegay in maanta guud ahaan ka bilaabi doonto Somaliland talaalka cudurka Dabaysha oo saamaynaya qof weyn iyo qof yar-ba, si looga dabarjaro Somaliland. Wasiirka Caafimaadka ayaa sheegay inay ka qeybqaadan doonaan 1670 kooxood oo min laba qof ka kooban, socona doono 7 maalmood.

Madaxweyne-xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan C/lahi Saylici oo xafladaa soo xidhay ayaa bulshada Somaliland kula dardaarmay inay ka faa’iidaystaan fursadan talaalka lagu dabarjarayo cudurka dabaysha, si caafimaadka dadkeenu u wanaagsanaado.

id yahay Wasiirka ganacsiga Somaliland Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar iyo masuuliyiin kale oo aad u tiro badnaa, waxayna dhammaantood Marxuumka ku tilmaameen garab weyn oo ka baxay shacabka reer Somaliland, gaar ahaan kuwa Gobolka Gabiley oo uu Madax-dhaqameedkooda ka mid ahaa.

 

Comments are closed.