Gabadhii Ugu Horreeyey Ee Xilliga Foosha La Suuxiyey Iyo Kaniisadda Oo Xanuunka Foosha Ku Sheegtay Ciqaab Alle

0
881

 

Muddo hadda laga joogo ku dhowaad qarni iyo badh, oo ahayd sannadkii 1847 kii ayaa markii ugu horreysay taariikhda waxaa adduunka laga isticmaalay dawada suuxdinta ee dumarka lagu mudo xilliga dhalmada.

Dhakhtar u ku xeeldheeraa caafimaadka dumarka oo u dhashay gobalka Scotland ee boqortooyada Ingiriiska, ayaa uu ahaa dhakhtarkii ugu horreeyey ee ku dhiirraday in uu dawadaa ‘Chloroform’ u adeegsado suuxdinta haweenka si looga yareeyo xanuunka dhalmada.

Dhakhtarkan oo lagu amgacaabi jiray James Young Simpson, gabadhii ugu horreysay ee uu u adeegsaday suuxdinta ayaa farxaddii awgeed waxa ay inan ay umushay u bixisay ‘Anesthesia’ oo ah erey afka ingiriisiga ah oo suuxdinta loo yaqaanno.

 

Isticmaalka dawadani waxa uu bilow u noqday marxalad horumarsan oo uu caafimaadku gaadhay. Waxa aanay noqotay dawo ay dhakhaatirita adduunka badankoodu u adeegsadaan suuxinta dadka ay qalniinnada ku samaynayaan.

Marka laga tago waxtarka laga helay dawada uu khabiirkani isticmaalay, waxaa garab socday digniino joogto ah oo xaqiijinaya in ay khataro kale ka dhalan karaan isticmaalkeeda. Taas oo ay ka mid tahay in ay dhimasho ku keeni karto qofka haddii lagu badiyo.

Diidmadii Kaniisadda

Dunida reer galbeedka waxaa xilligaas aad ugu awood badnayd Kaniisadda, oo tallaabo kasta oo la qaadayo, iyada laga dalban jiray in ay u kitaab daydo. Haddaba dawadan suuxdinta ah waxaa si adag uga hor yimi kaniisadda.

Wadaadadii Kiristaanku waxa ay sheegeen in ay waajib tahay in gabadha umulaysaa ay si dabiici ah u umusho, si ay u dhadhamiso xanuunka foosha. Waxa aanay sheegeen in kitaabka Muqaddaska ahi uu sidaas dhigayo.

Arrinta yaabka lihi ma’aha keliya in kaniisaddu ay diidday in dumarka foosha laga suuxiyo, waa se sababta ay u diidayeen. Waxa ay wadaadadii kiristaanku sheegeen in xanuunka Fooshu uu yahay ciqaab Alle, oo haweenka lagaga daahirinayo dembigii koowaad ee ay gashay hooyadood Xaawa, ee sababtay in jannada laga caydhiyo Hooyo Xaawa iyo Aabo Nebi Aadam (CS).

Xilli uu cirka isku shareeray khilaafkii u dhexeeyey wadaadadii Kaniisadda ee diiddanaa suuxdinta dumarka dhalaya iyo dhakhaatiirtii u arkayey in ay muhiim u tahay, ayaa waxaa sheekadii soo gashay boqoraddii Ingiriiska oo iyadii u baahan dawadii.

Waa boqoraddii la odhan jiray Victoria oo xilliyadaas uurka ku sidday ilmaheedii lixaad oo ahay amiiraddii Louise. Boqoradda oo maqashay dawadan yaabka leh ee xanuunka foosha illowsiinaysa ayaa dalbatay in iyadana lagu mudo marka ay fooshu qabato. Masuuliyiintii qasriga boqortooyada ayaa boqoradda u diiday isticmaalka dawadan. Waxa aanay u sheegeen gabadh 15 jir ahayd oo uur lahayd ay dhimatay kaddib markii ay ursatay dawadan suuxdinta oo isku dhis kiimikaad ka samaysan.

Boqoraddii Ingiriiska ee Victoria inkasta oo laga diiday isticmaalka dawadan suuxdinta ah, haddana kama ay hadhin. Mar dambe oo ay lahayd uurkuu toddobaad ayaa ay haddana dalbatay in dawadaas lagu mudo si xanuunka foosha looga naxariisto, laakiin mar kale ayaa loo diiday.

Boqoraddani kama ay hadhin dalabkeedan, sannadki i1853 kii, ayaa ay mar kale uurkeedii siddeedaad dalbatay in xanuunka foosha lagaga mudo dawadan. Laakiin markan miciin fiican ayaa ay heshay oo saygeedii ayaa isaguna dalbaday in boqoradda lagu mudo, taas oo qasab ka dhigtay in amarka qoyska boqortooyada loo dhego nuglaado, lana jebiyo go’aankii xaaraantimiyeynta ahaa ee wadaadada kaniisadda.

7-dii bishii Afaraad ee 1853 kii, ayaa si kedis ah qasriga boqortooyada Ingiriiska waxaa looga yeedhay dhakhtarkii caanka ahaa ee John Snow, waxa aana loo sheegay in uu boqoradda Victoria ku mudo xanuun baabi’iyaha ‘Chloroform’. Mar dambe oo afar sano kaddib ahayd ayaa ay mar kale isla boqoraddani dawada suuxdinta u isticmaashay amiirad dambe oo ay dhashay.

Isticmaalka boqorad Victoria isticmaashay dawadan oo weliba ay ku noqnoqotay waxa ay meesha ka saartay cabsidii ay dadka badankoodu ka qabeen khatar ka iman karta dawadan, sida oo kale waxa ay dhirbaaxo ku noqotay wadaadadii kaniisadda. Laakiin isma ay dhiibin ee waa ay ku sii adkaysteen fatwadoodii xaaraanta ku sheegtay in gabadha foolanaysa la suuxiyo.

Waxaa caddaatay in saddex carruur ah oo ay boqoraddu dhashay iyada oo la suuxiyey, in saddexdoodaba uu caafimaadkoodu fiican yahay, wax dhibaato ahina aanay ka soo gaadhin.

Tallaabada boqoraddu qaaday waxa ay wadaadadii kaniisadda ku kalliftay in ay joojiyaan diidmadii ay kaga soo horjeedeen dawadan suuxinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here