Ergayga Qaramada Midoobay Oo Socdaal Ku Jooga Hargeysa iyo Madaxweynaha Oo Uu Maanta La Kulmaayo

0
689

Hargeysa(Geeska)-Wefti uu hoggaaminayo ergayga Qaramada Midoobay danjire James Swan ayaa shalay socdaal shaqo ku yimid magaalada Hargeysa.

Ma jiro war rasmi ah oo ku saabsan socdaalka ergayga, laakiin warar uu Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay in socdaalka ergaygu yahay mid caadi ah oo shaqadiisa la xidhiidha, waxaana la filayaa inuu maanta kulan la yeesho Madaxweyne Biixi. Waxa la filayaa inay ka wada hadlaan arrimaha doorashooyinak wakiilada iyo deegaanka iyo caqabadaha hortaagan.

Ergayga ayaa sidoo kale la filayaa inuu xoojiyo aragtidii ay beesha caalamka Madaxweyne Biixi u soo gudbisay bishii hore ee December ee ku saabsanaa fulinta labadii qodob ee ay soo saareen guddigii dhexdhexaadintu ee ahaa in la kala diro gudigga doorashada ee wakhtigan iyo in dib loo soo celiyo guddigii hore ee doorashooyinka.

Danjire James Swan ayaa waxa kale oo la filayaa inuu la kulmo bulshada rayidka ah iyo xisbiyada mucaaradka, waxaana la sheegay in socdaalkiisu yahay laba maalmood.

Ergayga Qaramada Midoobay ayaa bishii Julay wuxuu socdaalkan oo kale ku yimid magaalada Hargeysa markaas oo uu la kulmay Madaxweyne Biixi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here