Gabadha Keliya Ee Madow Ah Ee Ku Jirta Liiska Haweenka Jilayaasha TV Ga Ah Ee Ugu Mushahar Badan Adduunka

0
9760

Washington (Geeska)- Warbixin ay soo saartay majaladda Forbes ayaa lagu sheegay in gabadh keliya oo madow ahi ay ku jirta liiska tobanka dumar ah ee ugu mushaharka badan dumarka jilayaasha barnaamijyada talefishannada ah ee adduunka oo dhan. Arrintaas oo abuurtay dood hor leh oo la xidhiidha in dumarka madowga ah ee ku jira warbaahinta filimadu ay ka mushahar yar yihiin kuwa dhiggooda ah ee midabkoodu caddaanka yahay.

Sannadkii shanaad ee xidhiidh ah ayaa Kerry Washington ay tahay gabadha keliya ee madowga ah ee ka soo dhex muuqata liiska. Kerry waxa ay kaalinta siddeedaad ee liiskan ku gashay doorka ay ka qaadatay masraxiyad ka baxday talefishanka ABC oo lagu magacaabo, ‘Fadeexad’ (Scandal). Taas oo ay ku kasbatay in lacag dhan 11 Milyan oo doolar la siiyo sannadkii hore oo keliya.

Waxaa liiskan kaalinta koowaad ugu jirta Sofia Vergara oo sannadkaas shaqaysatay 42.5 milyan oo qof, halka kaalinta ugu dambaysana ay ku jirto Pauley Perrette oo 8.5 Milyan oo doolar ku heshay barnaamijka NCIS.

Wadarta lacagta ay 10 kan jilaa heleen hal sano oo ah intii u dhexeysay bishii lixaad ee 2017 ka illaa bishii lixaad ee sannadkan 2018 ka, ayaa noqonaysa 168.5 Milyan oo doolar, taas oo aad ugu badan sannadkii ka sii horreeyey oo ay wadarta guud ee lacagta ay shaqaysteen tobanka jilaa ee ugu lacagta badan adduunku ahayd 156.5 Milyan oo doolarka Maraykanka ah.

Kerry Washington oo ka hadlaysay dareenkeeda la xidhiidha in ay noqotay gabadha keliya ee madow ah ee soo gashay liiska jilayaasha ugu mushaharka badan adduunka, ayaa sheegtay in dhibaatada ugu weyn ee jirtaa ay tahay shirkadaha wax-soo-saarka oo aan fursad ku filan siinayn jilayaasha madowga ah, si ay liiskan u soo galaan.

Kerry oo aabaheed uu Afrikaan Ameerikaan yahay, hooyadeedna ka soo jeeddo Jumayka, ayaa tan iyo sannadkii 2012 ka waxa ay sumcad fiican oo si joogto ah u sii xoogaysanaysa ku heshay masraxiyadda ‘Scandal’ oo ka baxda talefishanka ABC.

Jilaagan oo 41 sano jir ah ayaa sida oo kale sumcad weyn ku heshay kaalinta ay ku lahayd filimo kala duwan, kuwaas oo ay abaal marinno kala duwan ku heshay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here