Gabadh-yar Oo Reer Somaliland Ah Oo Khudbad Ka Horjeedisay Diblomaasiyiinta Geneva Jooga

0
656

Picture6Hargeysa(Geeska)-Gabadh yar oo reer Somaliland ah oo ay da’adeedu tahay 16 jir ayaa khudbad ka jeedisay kulan baroor-diiq ah oo magaalada Geneva ee wadanka Switzerland loogu qabtay Marxuum Yuusuf Maxamed Ismaaciil (Bari-bari) oo ahaa wakiilkii joogtada ahaa ee dawladda Somaliya u qaabilsanaa xafiiska Qaramada Midoobay ee Geneva iyo weliba wakiilka ururada kale ee caalamiga ah ee halkaas ku sugan, oo ku geeriyooday qarax dabayaaqadii bishii March ka dhacay magaalada Muqdisho.

Filsan Maxamed Cabdi, oo uu dhalay Eng. Maxamed Cabdi oo ah mulkiilaha shirkadda Dhismaha ee Haboon Construction, waxa awoow dhinaca hooyada ah u ahaa marxuumka oo ahaa diblomaasi rug-cadaa ah, waxaana xus baroor diiq ah bishii April u qabtay safiirada dhammaan dunida u jooga magaalada Geneva ee Switzerland, waxaana inay khudbadda jeediso wakiilatay xaaska Marxuumka.

Gabadhan yar ee reer Somaliland oo hadda ardayad ka ah jaamacadda Hargeysa, waxa ay halkaas ka jeedisay khudbad soo jiidatay dareenka diblomaasiyiintii madasha ku sugnaa, waxaanay ka warantay taariikhda awoogeed iyo qaybtii uu ku lahaa dhismaha nolosheeda iyo qoyska hooyadeed.

Filsan, ayaa sidoo kale ka hadashay magacii uu diblomaasiga qaraxa ku geeriyooday ku lahaa diblomaasiyiinta Geneva ku sugan dhexdooda, iyadoo sheegtay in xuska loo sameeyay uu ka markhaati kacay sumcadii awoogeedi marxuum Yuusuf Maxamed Ismaaciil (Bari-bari) ku dhex lahaa diblomaasiyiinta dawladaha dunida u jooga magaalada Geneva ee wadanka Switzerland.