Xisbiyada Oo Ku Kala Qaybsamay Inay Go’aan Midaysan U Gudbiyaan Guurtida

0
509

Picture7Hageysa(Geeska):-Heshiis ay si wada-jir ah u soo saareen saddexda xisbi qaran ee Kulmiye, Waddani iyo Ucid, oo muddo kordhin sanad iyo badh ah loogu samaynaayey xukuumada Siilaanyo, ayaa baaqday ka dib markii heshiiskaas uu ka baxay xisbiga mucaaradka ah ee Waddani.

Waxaana Kulan saddexda xisbi qaran ay shalay gudida ka soo talo bixinta ee muddo kordhinta ee golaha  Guurtida kula yeesheen xarunta golahaasi, diiday guddoomiyaha xisbiga Waddani in ay heshiiskaas ay saxeexaan, waxaana uu sheegay in aanay damaanad buuxda ka haysan golaha Guurtida Somaliland in ay aanay kordhin doonin muddo intaas ka badan.

Guddoomiyeyaasha xisbiga muxaafadka ah ee Kulmiye Muj.Muuse Biixi Cabdi iyo Eng.Faysal Cali Waraabe oo iyagu kalamadaasi ka dib warbaahinta kula hadlay afaafka hore ee Guurtida, ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin guddoomiyaha Waddani uu ka soo baxo kulankii ay la yeesheen Guurtida sida oo kalena uu diiday in uu saxeexo heshiiska ay isla soo gaadheen saddexda xisbi qaran, halka dhinaca kalena uu guddoomiyaha xisbiga Waddani Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) uu sheegay in aanay damaanad buuxda ka haysan Guurtida Somaliland in aan la kordhin doonin muddo ka badan mudada ay soo jeediyeen, waxaana uu carabka ku dhuftay in aanay jirin kalsooni ay ka xisbi ahaan uga guuraan in doorashooyinka wakiilada iyo madaxtooyadu ay ku qabsoomaan 1Juun.2016ka, waxaana uu cadeeyey in mawqifka xisbiga Waddani uu ahaan doono 1.Juun.2016ka in ay doorashooyinku ku qabsoomaan, waxaana hadaladoodii ka mid ahaa.

 Hoggaamiyaha Xisbiga Ucid. Eng.Faysal Cali Wareebe.

“Waxaa caado inoo noqotay inaynu markasta dawlad xilkeedii ka soo bixi wayday aynu jaa’isad u siino muddo kordhin. Waxaa nasiib darro ah Kulmiye oo la ogaa dagaalkaanu 2009-kii ka wada galnay in wakhtiga loo kordhiyo Xukumaddii Rayaale in maanta isagii markuu kursiga fadhiistay aanu ka shaqayn sidii doorasho u dhici lahayde intuu iska seexday markii u dambeysay ay iska yidhaahdeen Guurtidaay ka soo taliya, Waxaa aanu ku darnay Shan billood iyo Shan iyo Toban maalmood, waxaana aanu nidhi ha dhacdo doorashadu November 15keeda 2016ka, markaan saddexdayada xisbi intaas isla qaadanay shalay ayaan u tagnay Guurtida, waxa kale oo aan shalay isku waafaqnay oo Cabdiraxmaan soo jeediyey in aan u tagno una khudbadayno waraaqdana aan u dhiibno, Cabdiraxmaan saaka markii uu yimi waxaa uu yidhi warar ayaa soo baxaya o dhanaaya Guurtidu inteena ku joogi mayso, marka waxaa uu yidhi haddii inteena aanay ku joogayn maxaa aynu ka saxeexaynaa, waxaan ku nidhi waar aan xujayno, shacbigana aan tusno in aan annagu arrintaas keenay sidaas ayaa uu Cabdiraxmaan u maqnaaday, xaqna waa uu u leeyahay waayo mar haddii uu ogaaday waxii aan ku heshiinay Guurtidu in aanay ixtiraamayn.".Ayuu yidhi Eng.Faysal Cali Waraabe.

Hoggaamiyaha xisbiga Kulmiye. Muj.Muuse Biixi Cabdi.

”Saddexdayada Xisbi Waxaanu isla gaadhnay Go’aan aanu guurtidu u soo jeedinaynay, Guurtidu waa Hay’ad dastuuri ah oo iyadaa awooddaas leh laakiin soo jeedin baanu ku leenahay, waxaanuna filaynay saddexdayada Xisbi waxaanu ku heshiinno inay noqoto mid miisaaman oo tixgalin leh. Jimcihii shalay ayay ahayd inaanu wada saxeexno go’aanka aanu ku soo heshiinay ee aanu wada qornay ,waxaase naga maqnaaday guddoomiyaha Waddani(Cabdiraxmaan Cirro), Saakaanu ballannay oo guddoomiyaha Guurtiduna naga aqbalay laakiin Saakana guddoomiyaha Waddani wuu cadhooday, waana uu naga soo baxay.”.Ayuu yidhi Md.Muuse Biixi Cabdi.

Hoggaamiyaha xisbiga Waddani. Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro).

“Waxaa la socoteen, in wakhtiga doorashada loo asteeyay 1-da June 2016-ka, in arrintu muddo hor taalay Guurtida oo aan go’aan ka soo bixin. Saddexda Xisbi way kulmeen, ugu yaraan 2 goor bay kulmyeen, waxbaanu is waydiinay, waxaanu is waydiinayna waxay ahayd in talo qaran oo midaysan oo saddexda qaran iyo xukumadduba ku midaysan yihiin la helo. Heshiisku wuxuu ku imanayay markaanu helno kalsoonida golaha guurtida, waxaanu ku wada hadalnay in arrinta Madaxweynaha, axsaabta qaranka iyo gudoonka guurtidu iskaga yimaadaan oo iska arkaan, taasina may suurto galin..”.Ayuu yidhi Md.Ciro.

Md.Cabdiraxmaan Ciro oo hadalkiisa sii wata, ayaa waxaa uu yidhi:“Shalay annagoo saddexda gudoomiye ee Xisbiyada waxaanu u tagnay Gudoomiyaha guurtida, anagoo doonayna in waxaanu ku heshiino uu fuliyo laakiin, isagoo xaqna u leh Gudoomiye Saleebaan waxa uu yidhi Go’aanka waxaa iska leh gole, waxaanan gaynayaa golaha. Markaa umadda, Xisbiyada iyo bulshada Caalamkuba 1-da June bay taagnayd, markaa noomay muuqan kalsooni lagaga guuro 1-da June oo meel aan la garanayn loogu guuro. Markaas maadaama aanan haysan Kalsoonidii Guurtida, fadhigii Madaxweynaha, Xisbiyada iyo Shirgudoonka guurtidu uu baaqday waxaa noo muuqday in umaddu meeshay ku midaysnayd ee Xisbiyadu ku midaysnaayeen ee bulshada caalamku ku midaysnayd Mawqifka Xisbigu noqdo, wakhtigaas oo ah 1-da June 2016-ka.”.