Gaarriye: Shakhsiyad Nool Horrayso Iyo Danbaysaba WQ: Xamda Maxamed Xuseen Cigaal

1
910

Gabayahow habeenbaa u dumay hanadadaadiiye

Gabayahaw hormoodbaa ka baxay hurintii maansooley

Gabayahow halyaybaa god galay lama hawaystaane

Gabayahaw horseedkii dantaa helay wedkiisiiye

Gabayahaw ninkii hiilin jiray lagu hagoog ciide

Gabayahaw hiddaha ooyayaa tebay halkiisii

Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil “Weedhsame”

Waa abwaan gaarriyemaalin isniineed, bariido dabadeed wuxuunbuu i yidhi Gaarriye waa la keenayaa, burkaba ballaayo kama filane, waxaan weydiin ugu ceshay miyuu kasoo rayn waayay oo waa la iska soo celinayaa, kuye ma kaa dhabbaa oo ma ogid inuu geeriyooday. Naxdin iyo xannuun weynaa maqalka weedhahaasi, muddo ayaabay igu qaadatay inaan si dhaba u fahmo in Gaarriye geeriyooday.

Muddo haatan laga joogo 14 gu’ ayaan magaca Gaarriye maqal ku bawsaday, ma hubo Hooyo iyo Aabo ka keenay ee caashaqsanaaye waxaan aad u xasuustaa cajalad ay ku duubanyihiin maansooyinka Ergo, Daba-taxan iyoqayb ka mida maansadaHagarlaawe oo ay weheliso Duufaan oo Xasan-Genay leeyahay in guriga laga dhegaysan jiray, illaa haddana aniga oo aan saxayn sababta igu xidhaysay haddana dhegaysigoodu nolol maalmeedkayga ayuu muddo ka mid ahaa illaa aan qaybay beyd kasta oo maansooyinkaa ku jira.

Waxa jira Bare adiga oo aan arag aqoon gaar ahna u lahayn shakhsiyadiisa aad wax uun ku cajab geliya aad si dadban ugala kulanto oo inta aad ku qanacdo aad qoondaysato inaad wax ka barato, waxa isaguna jira nooc kale oo Bare ah oo aad u badheedhay gadaal fadhigiisa si wixii awooddaada ah aad uga korodhsato. Maxamed Xaashi Dhamac waxa uu muddo kamid ahaa darkaa hore, waxa uu ii ahaa Macallin aan wax badan ka barto. Kama baran sida loo gabyo una malayn maayo in kartidayda dahsoon (talent) ay ka mid tahay, wuxuuse si qaayo leh ii baray suugaan tiro badan, wuxuu leeyahay iyo wax kaleba, wuxuu ii sahlay oo uu si farshaxannimo ku dheehantahay iigu bayaamiyay hummaagga maansada Soomaaliyeed leedahay amaba ay yeelan karto. Intaas oo dhan ka horna sow iguma qancin sababta afka aan ku dhashay ee ku barbaaray haddana aan weli ugu baahanahay inaan barto, sow iima sheegin afka oo aan ku hadlaa in aanay ahayn afka oo aan aqaanno isla markaana wax ku qori karo oo ku qeexi karo kuna gudbin karo aragti, fekrad iwm.

Waxa uu ahaa qof han iyo himilo leh inta aad la joogto ama suugaantiisa weheshanaysana labadaba kuu yeelaya, wuxuu ahaa af-yaqaan u damqada oo u dooda xaaladda ba’an ee afkiisa hooyo ku jiro, wuxuu waxkasta u huray oo wakhti kasta geliyay badbaadinta afkeena isagoo dhib badan ugu badheedhay dhimasho daaye inaan dhaawac ba’ani gaadhin. Isma odhan weligay af dadkii lahaa noolyahay ayaa dhiman kara, sow ma aha qofka ii sheegay in malahaygaasi yahay male-awaal kadibna inta uu garaadkayga la hadlay tusaaleyaal nool iigu caqli celiyay.

Gaarriye waxa uu lahaa shakhsiyad dahabiya oo ay dhif iyo naadir tahay inaad mid la mid ah la kulantaa, waxa aad inbadan ka dhex arki kartaa mabaa’diidiisa nololeed iyo qiyamkiisa toosan suugaantiisa badda ah, waxa uu ahaa nin yaraan ku tacabburay, hibadiisuna ifka usoo baxday isagoo da’yar, waxa uu silsiladdii Siinley door laxaad  leh ka cayaaray isagoo dhallinyar, iyada ka horna waxaaba uu ka mid noqday guddidii af-soomaaliga qoraysay, wixii intaa ka danbeeyayna waxa uu ku hawlanaa afka iyo kobcintiisa, waxa intaas oo dhan ka daran waxa uu maansadiisa ka dhigay mid ummadda u doodda oo u diran.

Gaarriye nolosha iskama noolayn ee hadaf uu u noolaa una halgamayay ayaa jiray illaa maantana jira, waxa uu ahaa qof nolosha wax ka aaminsan, isla markaana waxa uu rumaysanyahay jecel inuu ku gaadho oo lagu gaadho Midnimo, waxa lagu midoobayaa uma ahayn qabyaalad iyo wax lamida, sowkii lahaa ma aha Afkuu doono ha sheegtee, wuxuunbaa ehel ii ah, dadka kaan af aqaannee, na midayso ujeeddo. Maxamed Xaashi Dhamac “Gaarriye” iskama dhiman ee geeri xaq ah ayuu dhintay, inkasta oo muuqiisu inaga dheeraadayna, shakhsiyaddiisii iyo qofkii uu ahaa waa wax xusuusteenna la noolaan doonta.

Waxa farxad ii ah isagana sharaf ugu filan in baroor-diiqdiisa awgeed aan heeso tiro badan oo muusik ku ladhanyahay aan idaacadaha iyo muuq-baahiyayaashaba laga dhegaysan doonin lagana dheehan doonin, Illaahay isagaa awooda ee naxariistiisa ha ugu deeqo, haka dhigo inta xawdka Nebiga NNKH ka cabta, ruuxdiisana haku nooleeyo jannooyinkiisa sar sare, Aamiin Aamiin Aamiin.

Gaarriye: Shakhsiyad Nool Horrayso Iyo Danbaysaba

WQ: Xamda Maxamed Xuseen Cigaal

fiyoore22@gmail.com

Comments are closed.