Al-Shabaab oo xalay weerar ku qaaday hoteelka SYL ee Muqdisho iyo khasaaraha ka dhashay

0
848

 

Waa markii 3aad ee hoteelka SYL oo madaxtooyada ka ag dhow weerar lagu qaado

Al-Shabaab ayaa xalay cawayskii weerar culus ku qaaday hoteelka SYL ee Muqdisho oo ku yaala duleedka Madaxtooyada Soomaaliya. Hoteelkan oo hoy u ah xildhibaanada iyo madaxda dawladda Soomaaliya, ayaa waxa weeraray rag hubaysan oo tiradooda lagu sheegay lix ruux.

Weerarka waxa sheegatay Al-Shabaab oo sheegtay in koox hubaysani ay hoteelka gudaha u galeen.

Weerarka ayaa bilwoday daqiiqado ka hor 7-dii fiidnimo ee xilliga Muqdidhso. Waxaana la sheegay in ragga hubaysan ay qaar rasaas ku fureen ciidamada ilaalada madaxtooyada halka kuwo kalena ay galeen hoteelka SYL.

Ugu yaraan laba ka tirsan xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa la sheegay in la dhaawacay.

Dawladda Soomaaliya ayaa xalay sheegtay in ugu yaraan boqol ruux laga soo badbaadiyay gudaha hoteelka kuwaas oo isugu jira dad shacab ah iyo xildhibaano.

Dad goob-joog ah ayaa sheegay inay barxada hoteelka ku arkeen maydka dhawr ruux oo weerarka ku dhintay.

Mid ka mid ah saraakiisha ciidanka Soomaaliya Gaashaanle Dhexe Cabdiraxmana Cumar Jeeniqaar oo taliye u ahaan jiray Danab ayaa ku sugnaa hoteelka marka weeraku dhacay. Waxa uu VOA u sheegay in ciidankiisa ay difaaceen isaga iyo dad kale oo badbaaday.

Waxa uu sheegay taliyuhu in dablayda weerarka soo qaaday ay ku hubaysnaayen qoryaha fudud iyo barmbooyinka gacanta laga rido.

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay  in weerarku lagu bartilmaameedsaday hoteelka SYL. Xildhibaankan ayaa sheegay in dad ay ciidamada amnigu kasoo badbaadiyeen hoteelka.

Xildhibaan Mahad dhoorre oo ka tirsan xildhibaannada baarlamaanka maamulka Koonfur-galbeed, oo kasoo badbaaday weerarka ayaa la hadlay BBC-da. “Annagoo meesha ku sugeynaa adaanka salaadda cishe ayaan mar qura maqalnay rasaasta. Ma garaneynin cidda xabadda rideysay, waan wada argagaxnay. Indhaheygu waxay qabteen raggii rasaasta ridayay, waxaan gudaha ugu cararnay hoteelka, islamarkiina waxaa noo suurtagashay inaan kasoo baxsanno”, ayuu yidhi.

Hoteelka ayaa ku yaalla meel u dhow madaxtooyada. Hoteelka ayaa laba jeer oo hore waxaa weerar ku qaaday maleeshiyaadka ururka Al-Shabaab.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here