Fu’aad Aadan Cadde: Halyey Ka Baxay Qaranka

0
625

fuaaHargeysa(Geeska)-Alle haw naxariiste waxa habeen hore wadanka Turkiga ku geeriyooday Marxuum Fuaad Aadan Cadde, oo ahaa siyaasi reer Somaliland oo caan ah. Marxuumka oo yaalay cisbitaal uu qaliin ku galay, waxa uu geeriyooday habeen hore salaadii subax, waxaana la filayaa in maydkiisa la keeno magaalada Hargeysa oo lagu aasi doono.

Marxuum Fuaad Aadan Cadde, ayaa wakhtigan ahaa la taliyaha madaxweynaha ee gobalada bari, waxaanu la soo shaqeeyay dhammaan dawladihii kala dambeeyay ee Somaliland soo maray oo uu badankooda kala shaqeeyay dhinaca nabadaynta beelaha. Marxuumku wuxuu si weyn uga soo qayb qaatay nabadayntii iyo isu soo dhawayntii beelaha Somaliland, waxaana lagu xasuustaa doorkii uu ka qaatay shirar beeleedyadii kala dambeeyay ee lagu yagleelay qaranimada iyo nabadgelyada qaranka Somaliland.

Marxuumka, oo ahaa siyaasi hal adag oo aad ugu adkaa mabda’a qaranimada Somaliland, waxa ay geeridiisu Somaliland ku banayn doontaa kaalin weyn oo in badan la tabi doono.