Saddex Masuul Oo Xilal Ka Hayay Xisbiga Waddani Oo Shalay Mar Qudha Is Casilay

0
781

waddaniHargeysa(Geeska) :-Mas’uuliyiin xilal sar sare ka hayey xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, ayaa shalay ku dhawaaqay in ay gabi ahaanba iska casileen xilalkii iyo xubinimadoodii ay ka hayeen xisbigaasi, waxaana ay ku sababeeyeen in ay doonayaan siddii ay ugu madax-banaan lahaayeen arrimahooda gaarka ah iyo kuwa siyaasadeedba, iyaga oo sida oo kalena iftiimiyey in gabi ahaanba ay kala feker noqdeen mas’uuliyiinta sar sare ee haya hoggaanka xisbigaasi, waxa kale oo ay tibaaxeen in taageerayaashoodii ay ku qancin kari waayeen in xisbiga Waddani uu yahay xisbi mucaarad ah, maadama ayaa ay yidhaahdeen xisbiga Waddani uu qeyb ka yahay muddo kordhintii dhawaan loo sameeyey golaha Wakiilada oo guddoomiyaha xisbiga Waddani uu yahay afhayeenka golaha Wakiilada. Xoghayahii arrimaha gudaha Mustafe Qodax, xoghayahii Qorsheynta Cabdirashiid Riyo-raac iyo guddoomiyahii garabka dhalinyarada heer qaran ee xisbiga Waddani Md.Maxamuud Cabdillaahi Cabdi, ayaa dhammaantoodba hadalkan ka sheegay shir-jaraa’id oo ay shalay ku qabteen magaalada Hargeysa.

Xoghayahii Qorsheynta xisbiga Waddani Inj.Cabdirashiid Riyo-raac, oo ugu horeyn halkaas ka hadlay, ayaa waxaa uu yidhi:"Waxaan halkan ka cadaynayaa in aan iska casilay xilkii aan u hayey xisbiga Waddani iyo xubinimadiiba, intaas ayaanu saaka(shalay) gaadhsiinaynaa bulshada, iscasilaadaas oo runtii ku timi sababo badan oo ay ka mid tahay in ay siyaasaddu tahay ama xisbinimadu tahay feker iyo aaraah la isula tagay oo dadku iskula yimaadaan haddii la isku afgaran waayana ay sunaha siyaasadda tahay in wax uu diido uu iska casilo iyo dee in ninka mucaaradka ahi uu hiigsanaayo mee, mustaqbal iyo isbedel, hadeerna aanay muuqan oo ay u muuqato in doorashooyinkii iyo arrimahiina ay faanoole far kama qodna ay noqdeen, marka dee dano gaar ah iyo kuwo siyaasadeedba, waxaa ay qabsatay in aan xilkaas iska casilno iyo xubinimadaasba si aan danahayga gaarka ah iyo kuwo siyaasadeedba aan u qabsado".

Xoghayahii arrimaha gudaha Mustafe Qodax oo isna halkaas ka hadlay, ayaa waxaa uu yidhi:"Anna sida oo kale waxaan halkan ka cadaynayaa in aan iska casilay xilkii aan u hayey, xubinimadiina aan iskaga tagay isla mar ahaantaana aan hawlahayga gaarka ah iyo danahayga aan u madax banaan doono anigu waxyaabaha aan shakhsiyan tabanayo oo aan kow u arko iscasilaadayda waxa weeyaan isku afkaar ayaanu noqon weynay xisbiga, gabi ahaanba waanu kala fikir duwanaanay, waxaanu aamin sanahay anigu in aanu xisbi ahaan muddo kordhinta aanu qeyb ka ahayn, waana aan qancin kari weynay taageerayaashayadii iyo dadkii xisbiga aanu ku soo jiidnay ee aan iyagu xisbiga gunta ugu jirin ee dibadda iska joogay, waanu ku qancin kari weynay in ay siyaasadda xisbigu tahay mid mucaaradnimo oo waxaa ay dadkii na leeyihiin faraq idiin dhaxeeya idinka iyo xukuumaddu ma jiraan, golahii baarlamaanka ayaad fadhidaan, kuwa wax loo kordhiyey ayaad ku jirtaan iyo siyaasaddiinuba ma firfircoona".

Guddoomiyahii garabka dhalinyarada heer qaran ee xisbiga Waddani, oo isna dhankiisa halkaas hadal kooba ka jeediyey, ayaa tilmaamay in gabi ahaanba ay socon waayeen qorsheyaashii ay dejiyeen ee xisbiga Waddani, waxaana uu tibaaxay in hada waxii ka sii danbeeya aanu wakhti iskaga sii lumin karin xisbiga Waddani.

"Barnaamijyadii aanu ugu talo galnay dhalinyarada iyo qorsheyaashii aanu u dejinay dhalinyarada runtii ayaa noqday kuwo aan sidii loogu talo galay u fulin karin, taasina waxaa ay cadaynaysaa in runtii aanan wakhti badan ku lumin karin xisbiga Waddani in aan sii joogno".