Khuraafaadka Nambarada Iyo Cabsida Ay Dad Badani Ka Qabaan Taariikhda 11/11/2011

0
716

 

 

Geeska Afrika Staff Writer…Q3aad

Sannad dhiig iyo oohin badan:

Sannadka 2011-ka ayaa lagu tilmaamay in uu yahay sannad intiisa badan illaa imika ku soo qaatay, dhiig iyo oohin joogto ah oo ka dhalanayey aafooyinka dabiiciga ah iyo masiibooyinka aadame-keenka ah ee sida joogtada ah dunida uga socday. Shabakadda Alcarabiya oo ka hadlaysa ayaa tusaalaha dhibaatooyinkan sannadkan u soo qaadatay, kacdoonnadii Tunisia, daadadkii argagaxa lahaa ee Australia, kacdoonkii Xusni Mubaarak sahayday, dhul gariirkii silsiladda ahaa ee ka dhacay New Zealand, kacdoonkii Libya, dhiigga badan ee ku daatay dalka Yemen oo marka laga tago in uu maalin kasta dhiig ku daato dagaalka u dhexeeya ciidamada Saalax iyo dadka is beddel doonka ah, aynu xasuusan karno qaraxii yaabka lahaa ee madaxweynaha Yemen uu dhaawac khatarta ahi ka soo gaadhay, sidoo kalana ay dhaawacyo khatar ah iyo dhimasho ka soo gaadhay madaxdii dalka ugu sarraysay oo ay ku jiraan, guddoomiyihii baarlamanka, raysalwasaarihii dalka, raysalwasaare ku xigeenno, duqii caasimadda iyo xubno badan oo muhiim ah. Waxaan la illaabi karin dhul gariirkii cuslaa ee Japan iyo weliba dhiigga joogtada ah ee illaa maanta ku daadanaay dalka Suuriya oo ay ciidamada Madaxweyne Bashaar Al-Asad rasaas nool la dhacayaan shacabka is beddel doonka ah.

Dadka aaminsan khurafaadka iyo qisaska ku duugan cilmiga xiddigaha ayaaba aaminsan in sannadkani yahay mid ay ku lammaanayd nacdal dayaxa ka timid, waxa ay ku sheegayaan in waxa dhacayaa yahay arrin ku imanaya godka uu sannadkani kaga beegmay god sidiisaba lagu yaqaanno masiibooyinka.

Waxa ay cilmigooda ku sheegeen in godkani yahay marka uu dayaxu joogo masaafadda uu dhulka ugu dhow yahay, taas oo markii ugu dambaysay ee sidan oo kale ay u dhacday ahayd sannadkii 1992-kii oo dadka masiibooyinka dunida soo maray tiriyaa ku sheegeen sannadkii ugu masiibooyinka badnaa tobankii sano ee la isku odhan jiray sagaashamaadka. In sannadkani ku soo beegmay dayaxa oo maraya godka ugu dhow dhulku waxa ay caddaatay markii bishii saddexaad ee sannadkan (March) 19-keedii ay dadka oo dhami ku baraarugeen in dayaxu uu intiisii hore ka weyn yahay boqolkiiba 14, kana dhalaal iyo iftiin badan yahay intii lagu yaqaannay qiyaas ah boqolkiiba 38. Arrintan ayaa markii loo bandhigay qolyaha ku xeel dheer cilmiga xiddigaha iyo meerayaashu waxa ay sheegeen in maalintan uu dayaxu maray halka ugu dhow dhulka.

– Dhiigga sannadkan daatay kuma koobna dunida dhul gariiradu ka dhaceen iyo kacdoonnada ka socda dunida carabta ee waxaa saamigeeda ka qaadatay qaaradda marka horeba dhibta la tiicaysay ee Afrika. Sannadkan waxaa dhintay madaxweynihii muslimka ahaa ee dalka Nigeria Muxammadu Buhaari oo ka soo jeeday gobollada woqooyi ee muslimku dego, kadib doorashooyinkii madaxtooyada e dhacay waxaa ku guulaystay madaxweyne Goodluck Jonathan oo isagu ah masiixi ka soo jeeda koonfurta, waxaana markiiba qarxay is hor imaadyo shacbiya oo u dhexeeya muslimka iyo masiixiyiinta oo ay ku dhinteen dad ka badan 8 boqol oo qof.

Masiibooyinka sannadkan waxaa iyaguna qaybtooda helay, ururka Alqaacida, waxaan la illaabi karin warkii dunida oo dhan siyaabaha kala duwan u saameeyey ee 1-dii May 2011-ka lagu sheegay in  ciidamo gaar ah oo Maraykan ay dileen hoggaamiyihii shabakadda Alqaacida Usaama Bin Laden, haddana bilo gudahood oo ahayd 27-kii August ayaa Maraykanku ay khaarajiyeen Cadtiya Cabdaraxmaan oo lagu sheegay ninka labaad ee ugu sarreeya Alqaacida. Kadib markii diyaarad aan duuliye wadini ku dhufatay gantaal isaga oo jooga meel ku dhow xuduudka Afghanistan iyo Pakistan. Waxaa isna sannadkan ay Maraykanku khaarajiyeen Alcawlaqi oo ahaa hoggaamiyihii Alqaacidada bariga dhexe, Alcawlaqi oo ahaa Yemeni haysta jinsiyadda Maraykanka ayaa ahaa nin awood badan oo martabad sare ka jooga sallaanka maamul ee ururka Alqaacida.

Xusni Mubaarak: Madaxweynihii hore ee dalka Masar ayuu sannadkani galaaftay maalin ay bisha February 2011-ku ahayd ahayd 11.

– Sannadka 2011 hawlihiisu intaa kuma koobnayn. Israel oo dadka Yuhuudda ahi yihiin dad tiro yar aadna u ilaaliyo xasiloonida dawladdooda maadaama ay og yihiin in dhan walba uu ka xigo dal ay col yihiin, isla markaana ay mar kasta weerar ku hayaan dadka ay dhulkooda dhaceen ee reer Falastiin, Laakiin sannadkani waa ay ilaashan kari waayeen xasiloonidii dhexdeedha, dad tiradoodu kor u dhaaftay Hal Milyan oo Yuhuud ah ayaa shaaracyada magaalooyinka waaweyn ee Yuhuudda isugu soo baxay, iyaga oo ka cabanaya maciishaddii oo qaaliyowday.

Dhankaa iyo Ingiriiska ayaa ay kacdoonnadii gaadheen oo muddo shan maalmood ah ayey boqolaal kun oo qof shaaracyada marayeen, waxaa la gubay meherado waaweyn, dad badan ayaa dhintay, khasaare dhaqaale oo aad weyna way keeneen rabshadahaasi.

Maalmo yar kadib indhuhu waxa ay ku jeesteen dhankaa iyo Maraykanka oo burbur xad dhaaf ah iyo khasaare ba’ani ka soo gaadhay duufaantii Irene ee ku dhufatay gobollo ka mid ah.

– bishii October 6-deedii waxaa dalka Maraykan cudurka Kansarka ugu dhintay Steve Jobs oo ahaa ninkii aasaasay shirkadda Apple ee caanka ah. Ninkan oo asalkiisu ahaa Carab ka soo jeeda dalka Suuriya, balse aabihii iyo hooyadii oo iyadu Maraykan ahayd iska siiyeen qoys korsada, kadib markii gabadha qoyskeedu guurkan hor istaageen, waxa uu noqday xiddig ka dhex ifaysa dunida tignoolajiyadda casriga ah. Jobs oo aqoontiisu ay ka hoosaysay heer jaamacadeed ayaa la isla qiray in uu gebi ahaanba beddelay noloshii farsamada casriga ah ee shirkaddiisa Apple horteed dunida ku jirtay.

– Isla bishaa October 20-keedii waxa ay dunidu u qaadan weyday dilka hoggaamiyihii Libya Mucammar Alqaddaafi oo kooxaha wax iska caabbintu inta ay qabteen isaga oo firdhanaya u dileen si gacal iyo nacab-ba la isku raacay in ay ka baxsanayd damiirka aadamenimada. La soco…