London (geeska)- Cilmibaadhis natiijadeedu toddobaadkii hore uun soo baxday ayaa daahfurtay in xarakaadka iyo firfircoonida jidheed ee maalinlaha ahi ay jidhka u leedahay faa’idooyin caafimaad oo haddii ay joogto noqdaan ku filan in ay dhimaan boqolkiiba 20 khatarta ah in qofka ay ku dhacaan shan cudur oo kala ah, macaanka, dhiigfuranka maskaxda (Faalig), waden xanuun iyo kansarka noociisa ku dhaca midhicirada iyo naaska.
Warbixin natiijada daraasaddan la xidhiidha oo uu qoray Joornaalka British Medical Journal isaga oo tixraacaya 174 daraasadood oo la faafiyey intii u dhexeysay 1980kii illaa 2016ka, laguna eegay dhaqdhaqaaqa iyo jimicsiga jidhku guud ahaan xidhiidhka uu la leeyahay cudurrada shanta ah ee aynu soo xusnay.
Daraasaddu waxa ay iftiimisay in dhaqdhaqaaqa maalinlaha ah, tusaale ahaan in uu sallaanka xafiiska oo fooq ah koritaankiisa iyo ka degistiisa ku qaato waqti marka la isu ururiyo noqon kara 10 daqiiqo, in uu labaatan daqiiqo gucleeyo, ama baaskiil wato 25 iwm.
Khubaradu waxa ay sheegeen in shaqada fadhigeedu badan yahay ay boqolkiiba 20 kor u qaaddo khatarta ah in qofka ay ku dhacaan cudurrada kor ku xusan, sidaa awgeed waxa ay khubaradu ku talinayaan in qofku uu jadwalkiisa maalinlaha ah ku darsado saacado uu jimicsado ama ugu yaraan in uu shaqada dhexdeeda iska jiro fadhiga xidhiidhka ah oo looga baahan yahay in uu xarakaad dhex geliyo.
Shaqooyinka dunida oo tiknoolajiyaddu ay saamayn weyn ku yeelatay ayaa muddooyinkan dambe sabab u ah in qofku uu saacado badan fadhiyo, mararka yar ee aanu shaqada ku jirinna nasasho iyo gaadiid adeegsado, taas oo loo aanaynayo in ay sabab u tahay in shantan cudur, iyo kuwo kale oo dhiigkarku ka mid yahay ay dunida aad ugu soo bataan.