Fin Doobka: Sababaha Keena, Sida Loo Daweyn Karo Iyo Talooyin Muhiim U Ah Qofka Uu Ka Soo Baxo

0
1236

Hargeysa (Geeska)- Finanka yaryar ee wejiga ka soo baxa oo caan ku ah magaca findoob ayaa ay dhakhaatiirtu sheegeen in sababtooda ugu weyni ay tahay heerka dufanka maqaarka. Marka uu dufanka maqaarka ku jiraa xoqo hormoonka Androgen ee isna maqaarka ku jira ayaa waxaa badanaya dheecaannada ay soo daynayaan qanjidhada dufanka, isku badashadaas dhufankuna waxa uu aakhirka keenayaa in bakteeriyada marka horeba ku nool maqaarku ay dufankaas dheeraadka ah ee maqaarka ka imanaya ka hesho meel ku habboon in ay ku korto, waxa aanay sababaysaa caabuq yar oo aakhirka keena fin doobka.

Dawada:

Faytamiin A waxa uu ka mid yahay faytamiinnada loo adeegsado daweynta fin doobka, gaar ahaan marka uu aad ugu faafo jidhka. In kasta oo uu Faytamiinkan A si aad ah wax uga taro daweynta findoobka, laakiin haddana waxaa jira xaalado caafimaad oo aan loo ogolayn isticmaalkiisa, waxaana ka mid ah dumarka uurka leh, oo la aaminsan yahay haddii ay faytamiin A isticmaalaan in ilmaha uurka ku jira ay ku keenayso khalkhal dhinaca abuurka ah.

Talooyin muhiim ah:

– Iska jir in aad burburiso ama tuujiso finka iyo in aad xoqdo waayo waxaa ku sii badanaya caabuqa.

– gacmahaaga ka fogee wejiga. Waxa aad ogaataa mar kasta oo aad taabato maqaarka fin doobku ku yaallo in gacantaadu sii kordhinayso cuncunka siina dardar gelinayso bakteeriyada oo mid cusubina dhalanayso.

– Maalin kasta wejiga ku maydh biyo diirran iyo saabuun, si daloollada maqaarku ay noqdaan kuwo furan.

– Iska yaree cunista cuntooyinka dufanka leh.

– Badso unista khduradaa kala duwan ee caydhinka lagu cuno iyo kuwa dabka gala labadaba.

– Cilmibaadhiso cusub ayaa daahfuray in cabbista caanuhu ay kor u qaaddo soo bixista findoobka. Waxa kale oo ay cilmibaadhistaasi sheegtay  in shaglaydhka madowi aanu kordhin findoobka sida ay dadka qaar aaminsan yihiin.

– Waxaa muhiim ah in gabadhu ay iska hubiso in kiriimada iyo walxaha wejiga lagu qurxiyo (Makeup) ee ay marsanaysaa aanu dufan ku jirin waxa ay ka samaysan yihiin, iyo haddiiba ay marsadeen in ay si fiican isaga tirtiraan.

– Iska jir in aad hal mar wada isticmaasho kiriimo kala duwan oo kuwa jidhka qallaylka ah loogu talogalay ah, waayo taasi waxa ay qallayl aan loo baahnayn iyo ceebo ku keenaysaa maqaarka.