Filim Lagu Aflagaadeeyey Nebiga (SCW) Oo Uu Gacan Ka Geystay Ayaa Sabab U Noqday In Uu Muslimo

0
800

Arnoud Varn Dorn oo ah siyaasi hore oo u dhashay dalka Holand waxa uu ahaan jiray siyaasi caan ka ahaa dalka Holland, oo ka tirsanaan jiray xisbiga Dutch Freedom Party ee magaciisa loo soo gaabiyo PVV, ka hor intii aanu qaadan diinta Islaamka. PVV waa xisbi xagjir ah oo si xad dhaaf ah u neceb Islaamka iyo Muslimiinta. Arnoud oo dhashay sannadkii 1966 waxa uu ka qayb qaatay samaynta filimka ‘Ftina’ ee lagu aflagaadeeyey nebiga, laakiin isla filimkaas oo uu hoggaamiyaha xisbigu samayntiisa koowaad lahaa ayaa sababay in uu muslimo. Mar uu ka sheekeeyey sababihii ku hoggaamiyey Islaamnimada waxa uu sheegay sidii yaabka lahayd ee ay muslimiinta adduunka oo dhami ugu midoobeen cadhadooda filimkii ‘Ftina’ ee nebiga (SCW) lagu aflagaadaynayey in ay ku abuurtay xiise xoog badan oo uu u qabo in uu wax badan ka barto sababta dadku jacaylka intan le’eg ugu qabaan diintooda.

Baadhistii iyo dabagalkii uu Arnoud ku sameeyey diinta Islaamku markii dambe waxa ay tustay saxnaanshiyaha iyo qiyamka wanaagsan ee diinta, taas oo ku qasabtay in uu garwaaqsado in aanay hadda adduunyada ka jirin diin ka qumman, sidaas awgeedna uu rumeeyey.

Xilliga filimkani soo baxayey iyo ka hor Arnoud waxa uu guddoomiye ku xigeen ka ahaa xisbiga PVV ee markaas talada dalka hayey, kaddib waxa uu xubin ka ahaa golaha deegaanka ee magaalada The Hague ee dalka Holland. Golahan oo uu ka tirsanaa illaa 2014 kii waxa uu ugu jiray xisbiga PvdE oo aragti Islaami ah ku dhisan.

Arnoud imika waxa uu guddoomiye u yahay hay’ad lagu magacaabo ‘Hay’adda Dacwada ee Yurub (European Da’wah Foundation) sida oo kale danjire sumcad dhis iyo abuurista xidhiidhadad ibadda u yahay urur isna faafinta diinta Islaamka ka shaqeeya oo ka jira dalka Canada, kaas oo lagu magacaabo Iskaashatada Dacwadda ee Canada (Canadian Da’wah Association).

Arnoud oo ka warramayey kutubta uu akhriyey muddadii uu baadhayey sababta jacaylka muslimiintu u qabaan Nebi Muxamed (SCW), waxaa ka mid ahaa kitaabka ‘Muxamed’. Kitaabkan oo uu hadyad ahaan u siiyey Imaam masaajid lagu magacaabo Abu Ismaaciil oo ku yaalla dalka Holland, ayaa uu Arnoud sheegay in uu ka mid ahaa kutubta saamaynta ugu badan ku yeelatay. Waxaa si gaar ah saamayn ugu yeeshay qaybaha uu kitaabku kaga warramayo qabsashadii uu nebigu kula wareegay magaalada Maka iyo qaabka uu nebi Muxamed (SCW) u dhaqmay maalintaas uu guusha yaabka leh gaadhay.

Arnoud waxa uu si gaar ah u xusay hadallo uu kitaabkaas ka soo qaatay oo qalbigiisa taabtay;

  1. “Nebigu maalintii uu Maka furtay waa uu ka yaabiyey Quraysh. Dadka magaaladu waxa ay sugayeen aargoosi iyo hantida oo lagala wareego. Waxa se yaab ku noqotay markii inta uu khudbad u jeediyey uu iyagii ka dalbaday in ay go’aan ka gaadhaan masiirkooda, kaddibna sidii ay doorteen uu u raacay” waxa uu ku yidhi, ‘Alle aan Allaha xaqa ah ahayni ma jiro, ballantii uu ii qaaday waa dhabeeyey, addoonkiisiina (Muxamed) waa uu guuleeyey, kelidii ayaana jebiyey isbahaysigii ka soo horjeeday Nebiga’. Ereyadaas uu Nebi Muxamed (SCW) hadalka ku furfurtay kaddib waxa uu yidhim, “Qur’aysheey, maxaa filaysaan in aan maan maanta idinku sameyn doono?” Kaddib Quraysh ayaa u jawaabtay oo tidhi, “Samo ayaanu kaa filaynaa, Waxa aad tahay walaalkaygo oo karaamo iyo Sharaf leh, waxaana ku dhalay walaalkayg oo karaamo lahaa) Nebi Muxamed (SCW) aargoosigii laga filayey ma’ uu samayn ee waxa uu dadkii oo wadnaha farta ku hayey si fudud ugu yidhi, “Orda iska taga, xor baad tihiin ee”

Arnoud waxa uu yidhi, “Waa taas ta dareenkayga lushay” Nebi Muxamed waxa uu saamaxay dhagartii ay cadawgiisu ka galeen, ma’ uu jeclayn aargoosiga, weligiina xumaan xumaan kama uu horgeyn.  Xukunkaas iyo go’aankaas uu maalintaas Quraysh ka qaatayna waxa ay burinaysaa sheegashoouinka ku andacooda in Nebigu (SCW) uu aargoosi iyo dhiig daadin u socday.

  1. Qisada labaad ee isla kitaabkan uu Arnoud ka helay ee ku riixday muslimnimadu waa qisada ninkii isku dayey in uu Nebiga khaarajiyo ee muslimay. Waa asxaabigii la odhan jiray Fadaalah Bin Cumar oo kitaabku sheegayo in uu isku dayey in uu dilo nebiga (SCW) oo kacbada ku daawafayey. Fadaalah markii uu Nebiga u soo dhowaaday isuna diyaariyey in uu eegto mar uu dareenkiisu jeedo si uu u fuliyo dhagarta uu waday, ayaa uu Nebigu ku yidhi erey la yaab ku noqday, waxa uu weydiiyey, “Maxaad naftaada kula hoos ugula sheekaysatay?” Fadaala ayaa doonay in uu been ku baxsado oo waxa u uku jawaabay, “Alle ayaan xusayey” Laakiin Nebiga (SCW) ayaa ku yidhi, “Astaqfirullaah, kaddib gacantiisii karaamada lahayd ayaa uu laabta ka saaray Fadaalah. Sidii ayaanu Fadaalah ku xasilay kagana noqday go’aankii. Mar dambe oo uu Fadaalah ka warramayna waxa uu sheegay in ay yaab gelisay sida uu Nebigu u daalacday qalbigiisa oo ahayd awood caddaynaysa nebinimada Muxamed (SCWO, waxa uu sheegay in ilbidhiqsiyo gudahood intii aanu Nebiguba gacantiisa ka qaadin laabta in uu mar keliya nacabkii uu u qabay isu beddelay jacayl uu noqday qofka uu uumiyaha oo dhan ugu jecelyahay.

Waxaa xusid mudan in Filimka ‘Fitna’ oo soo baxay sannadkii 2008 uu yahay filim gaaban oo uu sameeyey siyaasiga xagjirka ku ah Islaam nacaybka ee Geert Wilders oo ka tirsan baarlamaanka Holland. Filimkan magaciisa laga soo qaatay kelmadda Carabiga ah oo 17 daqiiqo oo keliya socona ayaa waxa uu ka been abuurayaa shakhsiyadda Nebi Muxamed (SCW), habdhaqankiisii iyo diinta Islaamka. Waxa uu si caalwaa ah isugu dayayaa in uu dadka u tuso in Qur’aanka Kariimka ahi uu muslimiinta ku dhiirrigeliyo nacaybka, argagaxisenimada iyo colaadda. Waxa aanu soo qaadanayaa aayado ka mid ah Qur’aanka kariimka ah oo uu doonayo in uu xujo uga dhigo dooddiisa.

Geert Wilders oo dhashay 1963 kii, tan iyo sannadkii 1998 kii waxa uu ahaa xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Holland. Arnoud oo markii uu filimkan ka qaybgalayey ay saaxiibo dhow iyo isku xisbig ahaayeen Geert waxa uu hadda sheegay in uu aad uga qoomamoodo gacantii u uku lahaa filimkaas, waxa aanu wacad ku maray in uu wanaag iyo hawlo Islaami ah ku saxo qaladaadkaas uu galay.

Wiilka ugu weyn carruurtiisa ayaa isaguna hal sano kaddib markii aabihii muslimay waxa uu sannadkii 2014 ka ku dhawaaqay in uu diinta Islaamka qaatay.

Dhowaan markii uu madaxweynaha Faransiisku ku celceliyey ereyada aflagaadada iyo nacaybka ah ee uu ka sheegayo Nebi Muxamed (SCW), ayaa uu Arnoud Van Doorn farriin uu bartiisa twitter ka ku qoray waxa uu ku sheegay in Muslimiinta Faransiisku aanay aqbali doonin dulmiga iyo cidhiidhiga lagu hayo xuququdooda. Waxa aanu ugu baaqay in ay dibad baxyo silmi ah isugu soo baxaan si ay u raadsadaan xuquuqdooda. Arnoud waxa uu Faransiiska xasuusiyey xasuuqii uu muslimiinta dalka Aljeeriya u geystay xilligii uu gumaysanayey dalkaas waxa aanu sheegay in aanay waqtigan muslimiintu arrintaas u dulqaadan Karin.