FIFA Oo Talefishanka beIn Sport Dartii Sucuudiga Iyo Imaaraadka U Saartay Ganaax Lacag Ah Iyo Digniin Qoraal Ah

0
881

Suurikh (Geeska)- Guddida anshax marinta ee xidhiidhka kubadda cagta adduunka ee FIFA ayaa ganaax lacag ah dul dhigtay xidhiidhada kubbadda cagta ee dalalka Sucuudiga iyo Imaaraadka Carabta kadib markii lagu helay in ay jebiyey xeerka xuquuqda warbaahinta ee xilliga ciyaaraha isreeb-reebku socdaan.

Sucuudigu waxaa lagu ganaaxay 7’500 oo ah lacagta Faranka ee dalka Switzerland ah una dhiganta 7’710 doolarka Maraykanka ah, waxa kale oo ay guddida anshax marinta ee FIFA xidhiidhka kubadda cagta ee Sucuudiga u dirtay digniin qoraal ah oo la xidhiidha jebinta xeerka warbaahinta, taas oo dhacday mar ay dhowaan ciyaaraha isreeb-reebka koobka adduunka isugu yimaaddeen Sucuudiga iyo Imaaraadka Carabtu.

Sida oo kale guddida Anshaxmarinta ee FIFA waxa ay ganaax lacageed oo dhan 20’000 oo Farank una dhiganta 20’560 doolar iyo digniin qoraal ah ku xukuntay xidhiidhka kubadda cagta dalka Imaaraadka Carabta oo dhowaan la ciyaaray xulka dalka Ciraaq.

Warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay wargeyska maalinlaha ah ee Alsharq ayaa lagu sheegay in xukunkan FIFA uu yimid kadib markii xulalka qaranka ee Sucuudiga iyo Imaaraadku ay diideen in ay ka soo muuqdaan talefishannadda tebinta ciyaaraha caanka ku ah ee ‘beIN Sport’ oo uu leeyahay dalka Qatar, xilligii ay dalalkani ciyaarayeen ciyaaraha isreeb-reebka ah ee loogu soo baxayo koobka adduunka ee 2018 ka dhici doona.

Xidhiidhka kubadda cagta adduunka ee FIFA ayaa xaqiijisay in dhawr digniinood iyo xukunno ganaax lacageed ah oo la xidhiidha ciyaaraha isreeb-reebka koobka adduunka 2018 ay ku soo rogeen xidhiidho dalal kala duwan, laakiin ma’ay magacaabin dalalkaas.