Wasaarada Macdanta Oo Heshiis Tamarta Cadceeda Ah La Gashay Hay’adda Adra Iyo Shirkada Kaafi

0
650

Hargeysa(Geeska)- Wasaarada  macdanta iyo tamarta somaliland ayaa heshiis la xidhiidha tamarta cadceeda laga dhaliyo la gashay hay’adda Adra iyo shirkada Kaafi Solar Company.

1

Heshiiskan ayaa keeni doona in 30 goobood oo ku yaala gobolada iyo degmooyinka dalka  laga hir gelin doono mashaariic lagaga faa,iidaysanayo tamarta cadceeda, goobahaas oo noqon doono dugsiyada waxbarashada, ceelasha biyaha, xanaanooyinka hooyada iyo dhalaanka.

Wasiirka macdanta iyo tamarta somaliland Xuseen Cabdi Ducaale oo ka hadlay heshiiskan sadex geesoodka ah ayaa waxa uu yidhi “Aad baan ugu faraxsanahay una soo dhawaynayaa in aanu maanta saxeexno heshiis noocan oo kale ah kaas oo faa,iido badan u keeni doona bulshada somaliland, heshiiskani waxa uu wax weyn ka tari doonaa baahida ay dadku u qabaan dhinaca korontada, heshiiskan iyo kuwii aanu hore u saxeexnayba waxay ka qayb qaadanayaan ilaalinta deegaanka  iyo ka faa,iidaysiga tamarta cusboonaata.”

Sidoo kale agaasimaha guud ee wasaarada macdanta iyo tamarta somaliland Siciid Axmed Jibriil oo isaguna ka hadlay heshiiskan ayaa ka waramay meelaha laga hir gelin doono waxaanu yidhi “ waxa heshiiskan ku hoos jira mashruuc kale oo ah samaynta girgirayaal casriya oo ah nooca dhuxusha kaydiya kuwaas oo tiradoodu gaadhayso toban kun(10,000) oo gir gire , waxaana shaqo ka heli doona muwaadiniinta ku shaqaysa farsamada samaynta girgirayaasha, waxa kale oo uu mashruucani ka qayb qaadanayaa badbaadinta deegaanka iyo yaraynta xaafufinta dhirta.”

Sidoo kale masuuliyiin ka socotay hay’adda Adra iyo shirkada Kaafi Solar Company  ayaa iyaguna soo dhaweeyey heshiiskan, waxaanay tilmaameen in wakhti yar lagu dareemi doono faa,iidada uu bulshada u leeyahay.