Ficillo Iyo Caadooyin Aynu Maalinle U Samayno Oo Saamayn Taban Ku Yeesha Caafimaadkeenna

57
2782

London (Geeska)- Cilmibaadhiso ay samaysay jimciyadda caafimaadka guud ee boqortooyada Ingiriiska ayaa ka digtay khatarta ay maqaaxiyaha iyo rugaha cuntada fudud lagu sameeyaa ku yihiin caafimaadkeenna, iyo in ay jiraan caadooyin aynu si maalinleh ah u samayno oo si guud ahaaneed khatar ugu ah caafimaadka. Qormadan waxa aynu ku eegaynaa caadooyinka iyo waxyaabaha ay tahay inta aynaan qaadan ama samayn in aynu ka fikirno caafimaadkeenna.

Iska jir in aad bararujiyaha saacadda ku buuxiso waqti ka horreeya ka aad u baahan tahay

Waa uu sababaa hurdada oo qofka ka goo’go’da maadaama oo marka uu ku toose haddana, maadaama oo uu weli waqti u hadhsan yaahy uu doonayo in uu dib u sii yar seexdo, arrintaasi waxa ay keentaa caajis iyo hurdo maalinnimadii ah, sidaa awgeed sida ugu fiicani waa in qofku uu ku buuxsado waqtiga ku habboon ee uu rabo in uu kaco, waxa kale oo lagu talinayaa in uu dhigo meel sariirtiisa ka durugsan, si aanu isaga oo dheelalowsan u demin ee ay ku kallifto in uu kaco oo dembiyo, kicitaankaas ayaana keenaya in hurdadu ka duusho oo uu dantiisa sidaas ugu kaco.

Cuntadaada weel keliya ha ku wada ridin

Wakaaladda caafimaadka cuntada ee Maraykanka ayaa ka digtay in kiish ama weel keliya lagu wada rido, hilibka, kalluunka iyo cuntooyinka kale, sababtuna waa in bakteeriyo ay si fudud uga dhex dhalanayso iyo in ay isaga gudbayso, tusaale ahaan waxaa ku dhalata bakteeriyada E.coli oo cillad iyo khalkhal ku keenta caloosha iyo midhicirada.

Daawashada badan ee talefishanka

Cilmibaadhayaal ka tirsan jaamacadda George Washington ee dalka Maraykanka ayaa ogaaday in dadka talefishanka daawada waqti ka badan 5 saac oo is xiga maalintii, ay yihiin kuwa boqolkiiba 65 ugu badan ee ay ku dhacaan xanuunnada la xidhiidha dhaqdhaqaaq la’aanta, daciifista muruqyada iyo xaglo xanuunka, gaar ahaan marka la barbar dhigo dadka laba saacadood oo keliya daawada.

Sariirta hagaaji marka aad ka kacdo

Furaashka oo marka laga tooso dhaqso loo hagaajiyaa waxa ay sababtaa in uu gogosha ku dhasho cayayaanka ili-maqabatayga ah ee ‘Dust mites’ afka Ingiriisiga lagu yidhaahdo oo marka dambe ee lagu jiifsado gogoshii, sababa xasaasiyad iyo cudurka xiiqda.

Caadi ahaan marka aynu jiifsanno waaa jidhkeenna ka data unugyada dhintay, waxa aanay la falgalaan qoyaanka dhididka uu jidhkeennu samaynayo inta aynu hurudno, waana halka uu ka dhalanayo cayayaankani. In gogosha isla marka aad ka kacdaba aad laalaabtaa waxa ay sababtaa in qoyaankii oo weli jira aad ku huuriso, taasina waxa ay sababaysaa in uu cayayaankani aad u tarmo.

Cilmibaadhayaasha jaamacadda Kingston ee dalka Ingiriisku waxa ay ku talinayaan in marka hurdada laga kaco, muddo gogosha la iska daayo oo aan lagu dedejin laabista, si ilayska iyo hawadu ay ugu dhacaan, halkaasna uu ku dhinto cayayaankani. La soco…

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here