Faysal Oo Soo Bandhigay Horumarka Uu Doonayo Inuu Dalka Gaadhsiiyo Haddii La Doorto

0
594

Hargyesa(Geeska)-Guddoomiyaha hana musharaxa xisbiga Ucid Eng.Faysal Cali Waraabe ayaa daboolka ka qaaday waxyaabaha uu dalka ka qaban doono hadii uu xilka qabto, isaga oo xooga saaray inuu wax weyn katari doono nolasha shacabiga Somaliland.

Waxa uu guddoomiye Faysal dhaliilo u soo jeediyay xukuumada haatan oo uu ku tilmaamay mid fadhiid ah, waxaanu sida oo kale ka hadlay fanaaniin iyo dhalinyarada Somaliland ee Muqdisho taga, waxaana uu arimahan ka sheegay xaflad balaadhan oo uu hudheelka Guuleed ugu sameeyay taageerayaal dhalinyaro ah oo degmada Axmed Dhagax kaga soo biiray xisbiga Ucid.

Faysal Cali Waraabe oo arimahan ka hadlaaya waxa uu yidhi "Dhallinyartan ku soo biirtay xisbiga Ucid ee reer Axmed dhagax aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay, Axmed Dhagax iyo Baligubadle taariikh weyn ayay ku leeyihiin Somaliland qaladkii la sameeyay lixdankii ee aynu xornimadeenii bixinay ee aynu si hawlyaraan ah u bixinay dhibaatadeedii waa ay inaga muuqataa, qalad la sameeyo qarnigii labaatanaad kii aynu samaynay ayuu ahaa, waataas aynu maanta shanta Soomaliyeed aynu ugu dhaqaale liidano, shanta Soomaaliyeed cid aan lahayn baasaboor aynu kow ka nahay ee ay afartii kaleba leeyihiin, inagaa ugu cilmi yar waxaasina waa fududayd,waataas maanta inanka yar ee aan Somaliland waxay gudo iyo waxay gashaba garanayan ee ku garaadsaday maamulkii Maxamed Siyaad Bare leh yaan Somaliland la ictiraafin, yaan wax la siin ee aniga ayay I hoos timaadaa waa waxii aynu isku gaysanay."

Faysal Cali Waraabo oo hadalka sii wataa waxa uu yidhi"Somaliya maanta ma jirto ee inaga ayaa jirna dal, ciidamo iyo doorashooyinba waynu samaysanay oo lacag iyo astaan ayaynu samaysanay, oo shacbiga ayaa halgankaas sameeyay,laakin maanta biyo miyaad heshaan,caafimaad miyaad heshaan, tacliin bilaash ah miyaad heshaan dawladnimadu intaas ayay ka bilaabmataa. waxaanu doonaynaaa inaad wax kala ogaataan ama u codeeya kuwaas todobaatanka kun ah inay ku soo noqdaan oo dalka qaad la siisto iyo inaad ubax noqotaan oo shaqo tagtaan oo guryo heshaan oo dhulkiina ku barbaartaan, waxaanu leenahay cidii qaad doonaysaay labadaas xisbi ayaa maqalkii hayee u qayilaad taga, waxa lay sheegayay islaan haysata kolay qaad inay Kulmiye ku soo dalacday 200 oo kun oo dolar, waxa bixiyay maayarka magaalada, waa lacagtii aad dugsiga ku dhisan lahaydeen, waa lacagtii caafimaadka lagaga shaqayn lahaa, markaas ma umadaynu u shaqaynaa mise kolayga, waad aragteen wadada Edna soo marta Ingiriiskii ayaa sameeyay maantana waa xorfad. Askarigu waa inuu guri yeeshaa,lacagtiisu ku filnaataa oo ciyaalkiisu jaamacad gashaa, waa in shaqaalaha iyo fanaaniintuba ay guryo helaan, waxaanu samaynaynaa sidii uu qof kasta oo reer Somaliland ah uu guri ku heli lahaa ee uu hafto ugu bixin lahaa, waa in tacliin caruurtu heshaa,xisbigeenu waa daryeel oo waxa uu daryeelayaa dadka isbixin waaya sida naafada, goblanka oo degmada uu joogaa ay damaanad qaaaysaa, sharciga waa loo sinaanayaa ee beel beel la noqon maayo, haduu sharci shaqeeyo Cabdiraxmaan guddoomiye baarlamaan iyo mid xisbi iskumuu noqdeen, hadduu sharci shaqeeyo maayaradii aan soo saaray Kulmiye uma wareegeen, waxa ina foolxumaynaaya inaga daaya oo haddii aad Kulmiye nacdeen qaranka ha nicina, Kulmiye waan ka footaynaynaa oo daaqada ayaynu ka tuuraynaa,odaygii aynu u footaynay wuu iska nastay oo ma sharaxna ee kuwa kale maxay qabteen ee aynu ugu footaynaa, ma V8 kale ayay inaga iibsanayaan ma abaar kale iyo sicir barar ayay keenayaan, ma eex,qabyaalad iyo boob ayaad doonaysaan, waxba soo kordhinmaayee aynu ka footayno."