Siyaasi Xasan Xaydh Oo Iska Casilay Xisbiga Waddani

0
556

Hargeysa(Geeska) Siyaasi Xasan Cabdi Maxamuud (Xasan-Xaydh) oo ka mid ah Siyaasiyiinta Caanka ah ee Reer Somaliland, ayaa Shalay ku dhawaaqay in isaga iyo Taageerayaashiisu ka baxeen Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI.

Xasan-Xaydh oo Shir-jaraa’id ku qabtay Huteelka Xaraf ee Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in Wada-tashi ay isaga iyo Taageerayaashiisu Muddo-dheer wada lahaayeen ka dib, Go’aansadeen inay ka baxaan Xisbiga WADDANI oo uu ka mid ahaa Tan iyo Xilligii la aasaasay.

Xasan-Xaydh oo ka Shaacinaya ka bixitaankiisa WADDANI wuxuu yidhi “Waxaad wada ogeydeen inaan ka mid ahaa Xubnaha Xisbiga WADDANI, waxaan Shirkan jaraa’id u qabtay inaan Caddeeyo in Aniga iyo Taageerayaashayduba aanu ka baxnay Xisbiga WADDAN, ka dib markii Aniga iyo Taageerayaashaydu aanu samaynay Wada-tashi ballaadhan oo in muddo ah noo socday. Wada-tashigaa waxaanu ku Go’aansanay inaanu Xisbiga WADDANI ka baxno.”

Siyaasi Xasan Cabdi Maxamuud (Xasan-Xaydh) waxa uu sheegay inay dib ka soo sheegi doonaan Xisbiga ay biiri doonaan, “Xisbiga aanu ku biiri doono ama halka aanu ku dambayn doonana haddii ILAAHAY yidhaahdo dib ayaanu ka sii sheegi doonaa sida ugu dhakhsaha badan.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Sababaha aanu uga baxnay Xisbiga WADDANI Maanta halkan ka sheegi maayo, laakiin waxaan caddaynayaa in Aniga iyo Taageerayaashayduba aanu ka baxnay Xisbigii WADDANI.”